Articles

Hagardaamada Qaadka iyo Halganka dhalinyarada Soomaaliland. Qallinkii Abukar Cawaale

Hagardaamada Qaadka iyo Halganka dhalinyarada  Soomaaliland.
Soomaaliland Anti Drug Association ( SADA )

10 bishan July 2012 ayay dowlada dhexe ee itoobiya kudhawaaqday in laxakameeyo cunida qaadka gudaha wadanka itoobiya,si loo xafido dhalinyarada soo koraysa ee itoobiya looguna diyaariyo inay lajaan qaadaan qarniga 21naad.


Wasiirka arimaha gudaha iyo horumarinta itoobiya wuxuu intaa kudaray in lakordhiyo qaadka wadanka dibadiisa loo iib geeyo, kaas oo soo xareeya qarash lagu qiyaasay  280 Milyan oo dolarka maraykanka ah.
Arintaas ayaa waxaa walaac weyn kamuujiyey Ururka  Soomaaliland Anti Drug association
( SADA )oo fadhigeedu yahay magaala madaxda Soomaaliland ee Hargeysa. Sida ay dad badani aaminsan yihiin Soomaaliland oo gaartay horumar balaaran oo hiigsanaysana Dowladnimo taama, Ayaa  waxaa is weydiin mudan dhibaato intee le,eg ayuu qaadku kuhayaa Soomaaliland , Keebaa badan Misaaniyad sanadeedka Soomaaliland iyo inta qaad uga baxda wadanka. Qaadku mahortaagan yahay horumarka waxbarasho ee dhalinyarada soomaaliland ,Qaadku mahortaagan yahay Caafimaadka Shacabka Soomaaliland ,
Arimahaas ayaanu waxaan wax  kaweydiinay Xubno kamida dhalinyarada dhexda uguntatay inay kawacyi geliyaan dhalinyarada soomaaliland dhibaatada qaadka, haday noqoto dhan
Caafimaa, dhaqaale,horumar , hadaba waxaan anigoo arintaas aad ugu hanqal taagay kuna farxay laxariiray oo aan qadka taleefanka kuwaraystay xubno kamida ururka SADE oo hada hargeysa kusugan oo kala ah,
Maxamed saciid maxamed  ( Burus ) iyo Maxamed Muxumed yusuf  ( Sayidka )
Waxaana  codkooda kadhadhansanayey Howlkarnimo, dal jaceyl ,iyo inay aad ugu dhiirananayaan ,dhexdana uguntanayaan inay kahortagaan dhibaatada qaadka uu kuhayo soomaaliland , ,  Maxamed siciid waxaa erayadiisii kamidahaa hadaanu nahay ururka SADE udulqaadan mayno , kuna daawan mayno dhibaatdan kusii fidaysa dhalinyarada Soomaaliland ,waxaa u aragnaa waa jib muqadas ah oo nasaaran inaan dadkayaga iyo Dalkayaga u istaagno , arinta qaadka oo uu kutilmaamay gumeysiga casriga ah  oo wadankayga lagu haysto  ayuu yiri.
,Mohamed muxumed (sayidka ayaa asna ku tilmaay dhibaatada ugu balaaran oo wadankayga haysata, maantana ay diyaar uyihiin dhalinyarada Soomaaliland inay u istaagaan sidii ay wadan kooda u hormarin lahaaayeen si ay urumowdo riyadii geesiyadii Soomaaliland oo naftooda u huray Soomaaliland.
Markaan lasii hadlaba dhalinyaradaan waxay igaliyaan  dhiiro galin weyn ,markaan dareemo wadanimada dal iyo dad jeceylka wadnahooda kabuuxda oo afkooda kasoo guuxaysay waxaa igu jajabta jiriirico.

Waxaase is weydiinleh waa maxay doorka uga aadan Dowlada soomaaliland iyo wasaarada arimaha gudaha, wasaarada caafimaadka, Soo wajib maaha dhalinyaradan (SADA) in lala garab istaago Hiil iyo hooba .
Waase maxay maalqabeenada soomaaliland doorka uga aadan inay taageeraan ururadan oo kale, rajo weyn ayaan kaqabaa waana aaminsanahay inay horumar lataaban karo qaban karaan  hadii ay helaan caawimaad dhaqaale oo joogta ah.

Shacabka Soomaaliland oo lagu yaqaan dad shacuur iyo dadnimo lehna ,oo waxa ay doonayaan kudhiirada ,waxa ay diidayaana diidana waxaan leeyahay  Tola,ayeey Soomaalilaneey kahortaga qaadka Oo taageera (SADA )  Soomalida inteeda kale idinkaa Role model u ah manta. Marka ay Soomaaliland noo horseedo in ay dhibaatada Qaadka waxkaqabato  markaa unbaa soomaalida kale kudayan doonaan .Insha ALAAH

Waxaa qoray
Gudoomiyaha Ladagaalanka qaadka UK
Abukar Cawaale


Be Sociable, Share!

The Latest

To Top