Tix Gaaban : Dumarka Tii Khayrle Erayadii Axmed Fartaag
Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud
Axmed Fartaag Gabay Dumarka Tii Khayrle

Gabadhi waa inay danteediyo taqaan daris la dhawraaye
Waa inaanay dayac iyo aqoon dabad wareeg baase
Waa inay daryeelkiyo taqaan Ubadka doogsiiye
Waa inaanay dudmadana aqoon wuu isoo dilaye
Waa inaanay gurigeeda dumin dadab galkiiniiye
Waa inaanay dalaaqdii isii kula dul taagnaane
Waa inay duruuftiyo waqtiga kula dadaashaaye
Markaad dirato hawlaa diiday yay odhane
Waa inay dabeecad leedihiyo darajo iimaane
Waa inaanay doqon iyo ahaan naag la soo diro,e
Waa inaanay daad xoorta noqon tii la duufsado,e
Waa inay dadnimo kugu dhaqdaa daacadaa wacane
Waa inay damiir iyo wanaag Diinta wadataaye
Waa inay dabaylaa dhacee guriga dayrtaaye
Waa inay daloolada jiriyo daadka moostaaye
Waa inay adoo daal qabana diifta biisaaye
Waa inay darxumo kaa jir taa cadawga diidaaye
Waa inaanu duryankeedu badan dibada ii dhaafe
Waa inay jacayl daajisaa dookha dhawrtaaye
Waa inaanay deelqaaf ku odhan eray aad diidaaye
Hadal dabacsan yeedhmada waa inay daadax noqotaaye
Taladiyo danaha guud waa inay kaa danbaysaaye
Dajiyaan u baahnee Aloow dahabo ii guuri
Waa inay dulmiga kaa jirtaa xumaha dayrtaaye
Alloow deeqa igu beeg iyo tii dulqaad badanle
Marwo aan ku diirsado raboow gaari ila doono
Waxaan kaa dalbanayaa Alloow dumarka tii khayrle
Aamiin



waa loobaahanyahay tixaha noocan oo kale fadlan halkaas kasiiwado