Wararka

Somaliland oo u Socota Cahdiga Bangiyada iyo Doorka Dahabshiil ka Qaadanayso

Wargeyska caanka ah ee The Guardian oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa toddobaadkan daabacay warbixin dheer oo uu ku falanqeeyey sharciga cusub ee Somaliland u samaynayso bilowga bangiyo caalami ah iyo waxa ku soo kordhin karaan horumarka dalka.

 

 

 

Wargeyska The Guardian oo ka mid ah kuwa ugu tayada sarreeya, looguna kalsoonida badan yahay, isla markaana muddo ka badan 200 sanno jiray, ayaa weriye ruug cadaa ka tirsan oo magaciisa la yidhaa Mark Tran oo dhawaan yimi Somaliland  ayaa  qoraal uu ku faahfaahiyey cahdiga cusub ee bangiyada Somaliland iyo doorka ay ku yeelanayso shirkadda Dahabshiil.

Qoraalkaasi oo ku qornaa luuqada Ingiriiska oo aannu soo koobnay waxa uu u qornaa sidan;

“Bangiyo aan si rasmi ah uga jirin Somaliland ayey ku wayday adeegyada mashiinada lacagta ama kaadhadhka lacagta lagula baxo (Credit cards), taas oo sababtay in dadka booqanaya dalku keenaan xidhmooyin lacag dollar ah naqad ah. Haseyeeshee isbeddel ayey samaynaysaa maxmiyaddan hore Ingiriisku u gumaysan jiray oo waxay markii u horreysay ansixisay sharciga bangiyada, kaas oo u oggolaanaya kambaniyada inay u hawgalaan sidii bangiyo caalami ah oo ay bixiyaan adeegyada damaanada leh ee ka jira inta badan caalamka.

Somaliland waxay u guurtay dhinaca nidaamka bangiyada kadib markii ay meelmarisay bishii April shacri lagu abuurayo bangi dhexe. Waa mid muddo dheer la sugayey, Somaliland way jirtay inkasta oo aanay heli aqoonsi caalami ah ilaa sannadkii 1991-kii markii ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaanay muddadaasi reer Somaliland baahiyahooda dhaqaale ku tiirsanayaaneen kambaniyada xawilaadda, ha ugu horreeyo Dahabshiil oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Afrika ee lacagaha kala xawila.

Dahabshiil oo uu maamulo hawl-karka Cabdirashiid Ducaale ayaa ku mashquulsan sidii uu kambaniga ugu dhaqaajin lahaa weji kale. Shirkaddan oo uu magaalada Burco ka bilaabay Cabdirashiid aabihii Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970-kii waxa uu noqday kambani lagacta kala xawila oo la aamino, kana hawlgala 155 dal oo ay ku jiraan dhammaan gobollada Afka Soomaaliga lagaga hadlo – Somaliland, Soomaaliya, Djibouti and qaybo ka mid ah Itoobiya.

Kambanigu waxa hore liisamo bangi uga haystay Djibouti iyo Soomaaliya. Lacag lagu qiyaasay 1.6 bilyan ilaa 2 bilyan oo qurba-joogu u xawilo dhulalka Soomalidu degto sannad kasta ayaa inta u badan la mariyaan Dahabshiil, taas oo shaqaysa inta cadceedu joogto [maalin oo dhan] toddobaadka kasta.

Haddii aad tagto xafiisyada waaweyn ee shirkaddu ku leedahay Hargeysa way camiran yihiin, waxa kuyuu ugu jira daaqadaha adeegyada dumar xijaaban, dadka reer Somaliland iyo ganacsato ajaanib ah oo qaadanaya lacago isugu jira Pound Ingiriiska, Dollar-ka Maraykanka, shillinka Kenya iyo guud ahaan lacagaha kale ee caalamiga ah.

Xawilaadda lacagaha ayaa laf-dhabar u ahaa ganacsiga Dahabshiil, laakiin iminka Ducaale waxa uu u socdaa dhinaca cusub ee bangiyada. Kambanigu waxa uu tababaray shaqaale loo diyaarinayo liisanka ay kaga hawlgeli doonto bangi ahaan, inkasta oo awalba ay macaamiisheeda siin jirtay adeegyada aasaasiga ah ee sanduuq xisaabeedka (Accounts).

“Isbeddelka ugu weyni wuxuu noqon doonaa in aannu yeelan doono dhammaan adeegyada bangi leeyahay oo dhammaystiran, sida bixinta caymiska, adeegyada ammaahda iyo habka isku xidhka ee dhaqaalaha bangiyada caalamka. Marka ugu horreysa ee sharcigan uu Baarlamanku ansixiyo waxaannu doonaynaa in aannu samaynayo dhammaan adeegyada bangiyada guud ahaan Somaliland oo ay ku jiraan dhulka miyigu,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Dhisme wayn oo siddeed dabaq ah oo noqonaya ka ugu weyn  waddanka, kuna yaal agagaarka Fagaaraha Khayriyadda Hargeysa, halka ay saaran tahay diyaarad nooceedu yahay MiG ee Soviet-ka oo astaan u ah duqayntii Siyaad Barre u gaystay Somaliland sannadkii 1988-kii, ayaa u ku dhaw in la dhammaystiro dhawaan.

Sharcigan cusub waxa laga filayaa inuu keeno tartan, kaas oo uu soo dhaweeyey Ducaale, “Horeba waxaannu ugu tartanay 155 dal,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Somaliland waxay rajaynaysaa in sharciga cusub ee bangiyadu uu u fududeeyo lacag u rarta dalka maalgeli dibadeed oo baahi weyn loo qabo. Lacagta ku timaada hannaanka xawilaada ayaa loo isticmaali jiray dhismaha cusbitaallada, dugsiyada iyo kaabayaasha dhaqaale. Haseyeeshee, baahi intaa in ka badan ayaa jirta.

Hadal uu Cabdirashiid Ducaale ka jeediyey shir bishan lagu qabtay Hargeysa waxa uu sharraxay baahida dalku u qabo in qurba-jooggu maalgelin ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaale, taas oo muhiimada kowaad kaga jirta qorshaha dhaqaalaha qaranka ee shanta sanno ee 2012 ilaa 2016-ka,”  ayuu Mark Tran ku soo gebogabeeyey warbixintiisa.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top