Wajaale (JSaraarnews)-Xafiiska UDUB ee Degmada Tog-Wajaale, ayaa shalay subaxdii albaabada loo laabay, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay guddoomiyaha xisbiga UDUB ee degmada Wajaale Cabdi Siciid iyo Gudoomiyaha degmada Mr. Qawrax Muuse xuseen.

Khilaafka albaabada u laabay xafiiska UDUB ee degmada Wajaale, ayaa sida ay xalay ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen, isla markaana lagu faafiyey shabakada wararka Gabileynews, waxa uu salka ku hayaa khilaaf ka dhex dilaacay maamulka xafiiska UDUB ee Wajaale iyo guddoomiyaha degmadda, kaasi oo ka dhashay, kadib markii xubno ka tirsan UDUB soo jeediyeen in la bedelo guddida xisbiga, taasi oo uu ka biyo diiday guddoomiyaha degmada Wajaale Mr. Qawrax Muuse Xuseen, isaga oo guddoomiyuhu xusay in xubnaha qorsahahan wataa aanay ka tirsanayn xisbigooda.

Guddoomiyaha UDUB ee degmada Wajaale, ayaa isagu si adag uga horyimi tallaabadda Gudoomiyaha degmadu ku soo faro geliyey maamulka xisbiga, taasina waxay sababtay in guddoomiyaha degmadu qufulku jabiyo xafiiska UDUB, iyada oo arrintan darteedna uu subaxnimadii shalay magaaladda Wajaale u tagay guddoomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Gabiley Mr. Saleebaan Sheekh Maxamed (Madaxay).

Guddoomiyaha degmadda Wajaale Mr. Qawrax Muuse Xuseen oo wax laga weydiiyey sababta dhalisay khilaafka keenay in la xidho xafiiska UDUB ee Wajaale, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaa.

Xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha UDUB ee degmada Wajaale, ayaa khilaafka ka dhex dilaacay guddoomiyaha UDUB ee degmada iyo guddoomiyaha Wajaale ku tilmaamay inuu yahay wax aan loo baahnayn, iyaga oo ka biyo diiday tallaabada guddomiyuhu ku farageliyey xafiiska UDUB.

Waxaa labadii maalmood u dambeeyey dadwaynaha reer Tog-wajaale aad u hadal hayeen khilaafkan soo kala dhex galay labada gudoomiye ee xafiiska UDUB ee Wajaale iyo guddoomiyaha degmadda.

Source jamhuuriya.info

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: