Faysal C waraabe iyo Xukuumada Siilaanyo oo ka qaylinaya Faduushay Farahooda ku doonteen

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (saraarnews) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si kulul u weeraray dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo xarakada diimeed ee Islaax beryahan dambe ka wadeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisu hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey xalay murrashax uga qaybgeli doona tartanka doorashada dawladaha hoose ee caasimadda, waxa uu si adag u naqdiyey masuuliyiin sheegtay inay yihiin hoggaanka urur-diimeedka Islaax oo dhowaan arrimo siyaasadeed kaga hadlay Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey in aannu dalka ka sharciyeysnayn ururkaas iyo koox diimeed kale toona, isla markaana kooxda Islaax u sharraxan yihiin madaxtinimada waddanka Soomaaliya, waxaannu ka digay khataraha ku lammaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha diimeed ee waqtigan Somaliland ka bilaabmay.

“Maalin dhaweyd waxaan maqlayey qolo leh waxaannu nahay xarakada Islaax ee Geeska Afrika. Horta Geeska Afrika kama jirtee waa Soomaaliya oo waa niman shantii Soomaaliya wada. Ta kale, xarkada Islaax sidee bay Hargeysa uga hadli karaan? Qofka reer Xamarka ka ah waxa loo oggolaaday inuu dalkeenna bilaa fiise ku yimaad.

Xarakada Islaax waxay leedahay nin murrashax ah oo Xamar ka sharraxan. Xarakada Islaax miyey Somaliland ka diiwaangashan tahay sidee bay uga hadli kartaa? Weliba qofkii u hadlayey af Carbeed buu ku hadlayey; innaga inalamuu hadlayn ee Carab ayuu la hadlayey. Macnaha hadalkoodu wuxuu ahaa murrashax Soomaaliya u sharraxan ayaannu leenahay oo halkanna [Somaliland] ayaa xukumi doonna.

Waxaan leeyahay dawladda Somaliland waa inay ilaaliso sharciga dalka, waayo qofka reer Xamarka ah waxa loo oggolaaday inuu dalkeenna bilaa fiise ku yimaad, ka shaqaysto oo uu dego, laakiin looma oggola inuu arrimo siyaasadeed halkan [Somaliland] kaga hadlo.

Waxaan caddaynayaa in ninkii u hadlayey ee Afyare la lahaa uu dembi ka galay Somaliland oo uu xarako aan sharci ahayn dalkeenna kaga hadlay; Soomaaliya ka sharciyeysnayn, Jabuuti ka sharciyeysnayn, Kenya ka sharciyeysnayn inay Hargeysa makarafoon ka qaadato oo shir-jaraa’id ku qabato waxaannu u aragnaa in qarannimadeennii meel lagaga dhacay, dawladda ayaana u xilsaaran arrintaas inay baadho.

Ma aha Somaliland meel iska bannaan oo qof kastaa intuu iska yimaad wuxuu doono kaga hadli karo, markay sidaa innagu sameeyaan waxay ina tusanayaan inaynu nahay gobol Soomaaliya ka tirsan oo qarannimadii Somaliland meel lagaga dhacay, sidoo kalena waxaannu u aragnaa in meel lagaga dhacay ammaankii Somaliland,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inuu dib-u-eegis ku sameeyo dhismaha golaha xukuumaddiisa, baadhitaanno rasmi ahna ku sameeyo musuqmaasuq lagu sheegay inuu dawladdiisa aafeeyey.

“Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Siilanyo inuu dib-u-eegis ku sameeyo xukuumaddiisa, waayo wuxuu shacabku ku sheekaynayaa inuu musuq baahay jiro, markaa waxaan kula talinayaa madaxweynaha inuu baadho musuqaas jira. Sidoo kale, xisbi ahaan waxaannu soo dhoweynaynaa go’aanka nabadeed ee uu ku baaqay hoggaamiyaha kooxda SSC Mr. Xagla-toosiye,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Dhinaca kalena  Xukuumada Somaliland, ayaa  maanta ku dhawaaqday in ay hakadgelisay wada hadaladii ay lahayd  dawlada KMG ah ee Soomaaliya,,laakiin aanay ka baxayn  wada xaajoodyada ay taageersan tahay beesha caalamku.

 

Wasiirka arrimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta la hadlay  warbaahinta , ayaa sheegay in ay go’aan ku gaadheen joojinta wada hadaladii socday, ilaa inta uu dhamaanayo loolanka siyaasadeed oo ka jira dalka Soomaaliya.

“ Wada hadaladii aanu  dhawaan  u     furmay   Somaliland iyo Soomaaliya anigu waan soo dhaweynaynaa, sida la og yahay Soomaaliya waxa  ka bilaabmsay tartan dhanka siyaasada ah , markaana maamulka cusub ee la filayo ayaan halkaa wada hadalada ka wadi doonaa, markaa arrimahaas ayaanu isku ku meel gaadh ah ugu hakinay.Maamulka KMG ah ee aanu wada hadaladu furnay raali ayaanu ku ahayn,laakiin imik isbdal baa jira”

 

Waxa kale uu wasiirku sheegay in  xukuumada uu ka tirsan yahay aanay ogolaan doonin in kooxaha Diintu  ay Somaliland gudaheeda farogelin siyaasadeed kaga samaayeen dalalka deriska.

 

“ Arrinta sidaai  waxa ay xidhiidh lahayd shir koox xagga Diinta ahi  Magaalada Hargeysa ku qabteen, hadalada ay saaxafada caalamka siiyeen waxa ay kaga hadleen siyaasada, waxa ay farogelin ku  ahayd siyaasada wadamada deriska sida Soomaaliya, cidii doonaysa in ay ka hadlaan arrimo siyaasadeed oo dalka halkan lagama ogola”

Wada hadalada hakadgalay  wejigooda saddex ayaan sida  loo sii amba qaadi doono maamulka Madaxweyne Shariif laga adkaado doorashada dhici doono bisha August,iyada oo qaar ka mida ragga ugu fadal cad tartanku  ay saluugsan yihiin wada hadaladii dhexmaray labada dawladood.

 

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone