Wararka

Laba sanadood ka dib: maxaa laga dhaxlay Hogaaminta madaxweyne Siilaanyo iyo Buugiisii Cagaarnaa Qormooyin Taxane Ah

Bishii July ee sanadkii 2010 ayay ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo talada wadanka si rasmiya ula wareegay, waxaana lagu guddoonsiiyay xilka munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Badhtamaha aqalka Madaxtooyada 27 Bishii Jully ee 2010, taasoo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin Shisheeye ah oo u badan Diblo-maasiyiin ka socda dawlada dariska la ah Somaliland ee daneeya horumarada siyaasadeed ee wadankani  ku dhaqaaqay, kuwo ka socda dalal ka baxsan Dunida saddexaad ee afrika, sida wadamada reer Galbeedka iyo Carabtaba iyo madaxda asxaabta  Somaliland oo maalintaasi xilka la kala wareegayay.

Maalinaasi waxay ahayd Maalin Taariikhda Somaliland ku suntan oo aan la ilaawi karin sidii ay wax u dhaceen iyo Natiijada rabitaankii shacbiga somaliland sida uu u midho dhalay, waxaanay xusuus gaar ah u leedahay 27 July waxay ahayd Taariikhda markii ugu horeysay ee Geyiga Somaliland laba madaxweyne oo soo maray,isla markaana shacabku kala doorteen  Madal caynkan oo kale si niyad sami ku jirto talada ugula kala wareegaan, dar-daaran iyo duco-na isfaraan iyadoo boqolaal indhood eegayaan.

Hadaba inta aynaan u gudbina Nuxurka Qormadeenana bal aynu yara Milicsano sidii ay Maalintaasi u dhacday Xil-wareejintu iyo Khudbadii Taariikhiga ahaa ee laga jeediyay oo qaarkood in badan Maankeena iyo maskaxdeena ku soo noqnoqdeen, isla markaana hogaanka dalku xili xasuusin lagu siiyay uu si xun uga gubtay.

Bilowgii Xaflada Ugu horreyn Guddoomiyihii  Maxkamada Sare  Dastuuriga ah Md, Maxamed Ismaciil Xirsi (Oomane) ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa dhaariyay dhaarta dastuurku waajibiyay. Dhaarta ka dib waxa la gudo galay khudbadihii labada Hoggaamiye ee xilka la kala wareegayay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Maanta waa maalin aad iyo aad qiimo weyn u leh shacbiga Somaliland waa taariikh taabo-gal noqotay oo hirgashay Geedigii aan soo wadnay mudada dheer, waxaan aad iyo aad hambalyo uga gudbinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaanba.waxa kale oo aan Hambalyo u jeedinayaa Wufuuda ka socota dalalka aan walaalaha nahay Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Ee xafladan taariikhiga ah  nagala soo qeyb gashay, waxa kale oo aan halkan ku soo dhawaynayaa Walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday ee aanu tartamaynay waxaan ugu wareejinayaa si niyadsami ah oo isku kalsooni leh oo farxad leh. Waxaanan balan qaadayaa sideed sanadood ayaan xilka soo hayay sanad ku meel gaadh ah iyo todoba sanadood oo kale. Waxaan garan karayaa culayska uu xilkani leeyahay iyo dhibaatada hoos taalla Madaxweynaha hawsha  igala wareegaya  Anigaa xog ogaal u ah. Waxaan halkan leeyahay Anigu waan is daba taagayaa gacana waan ku siinayaa shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay xilkiisa Madaxweynaha haddii aynu la garab qabano wuu ka soo baxayaa haddii kale wuxuu qabtaaba way iska yaraanayaa aan u midowno inaan is daba taagno. Waxaan leeyahay tartankii asxaabu wuu dhammaaday oo guul ayuu ku dhammaaday wax ka hadhay ma jiro inaan maanta dalkeena u wada shaqayno ayaynu u wada taagan nahay oo aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabo gelino qaranimadeena curdinka ah ee ilaahay mahadii aan mudada dheer soo wadnay. Ilaahay Mahadiina dimuqraadiyadii aan Anigu hirgelinteeda aan bilaabay qotshaheedii waxa lahaa Madaxweynihii iga horeeyay ee geeriyooday.”

“Aniguna waan hirgaliyay dimuqraadiyadii markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore, maanta waxa taariikh cusub u ah Somaliland waxaan isleeyahay Aniga iyo Axmed laba Madaxweyne oo wax la kala wareega ayaanu nahay, nasiib darro aniga Madaxweynihii iga horeeyay wuu geeriyooday isaguna markii uu la wareegayay xil uu la wareegay ma uu jirin. Waxaan leeyahay Axmed-na waxay nasiib wanaag u tahay dal dhisan oo nabada oo isku xidhan oo dadkiisu wada jira inuu la wareego,”ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in caalamku Somaliland ku majeertay sidii  nidaamka lahayd ee xilkii loo  buuxiyay markii uu geeriyooday madaxweyne Cigaal Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee, waxaanu tilmaamay inuu  hawshiisii ka bilaabay inuu nabadgelyada dalka sii adkeeyo isla markaana uu raadiyo dalka qeybtiisii maqnayd.

“Waxaan ku dhaqaaqay markiiba dalalka aynu jaarka nahay inaan tago Itoobiya ayaan tagay sababtoo ah nabada aan gudaha ku haysano haddii ta jaarkeena lagu kabin waxba ma noqonayso. Waxaan ka bilaabay Dalka Jabuuti oo xidhiidhkeena aad ogaydeen oo uu yara wagash wagash ahaa. Walaalkay Ismaaciil si fiican ayuu ii soo dhaweeyay waanan aanu heshiinay maantana waa kaa Wefti uu  inoo soo diray inala joogo. Waxa kale oo aan tagay Itoobiya oo aan Raysul Wasaaraha la kulmay waxaan culayska saaray in illaa haddana aan hayaa inaan kalsooni iyo walaaltinimo ka raadino dalalka dariska Ictiraafka iyo haddii aynu wax kale raadinaynaba waa inaynu iyaga ka bilownaa inta kalena way ku xigaan.maanta waxaan leeyahay taariikhda aynu maraynaa waa meel aad u wanaagsan waa taariikh  u baahan in la wada ilaalino oo aynu ul iyo diirkeed noqono oo  Madaxweynahaas la doortayna inaynu is wada barbar taagno, oo la shaqayno oo ku kaalino haddii illaahay yidhaahdo,”ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay inuu taageereyaashii xisbiga UDUB uga mahad celinayo inay ku raaceen go’aankii uu qaatay ee la xidhiidhay in lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada waxaanu yidhi “Haddii aynu olale ku soo jirnay olalihii wuu dhamaaday laga bilaabo maanta wada saaxiibo ayaynu nahay waxa inoo balan ah inaynu Somaliland u midowno.”.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 26 June madaxweynaha wadanka loo doortay,kaasoo xiligaasi  u mahad celiyay Madaxweynihii hore iyo marti sharaftii ka socotay dalalka dariska ee ka qeyb galay xafladii dhaarinta waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne Ku Xiugeenkii Axmed Yuusuf Yaasiin, ee aan xilka kala wareegayo, walaalahayaga Wufuuda ah ee ka kala yimid dalalka dariska ah, waxaan  mahad u celinayaa weftiga reer Jabuuti ee uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax iyo Weftiga Itoobiya oo uu Hoggaa minayo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Md Maxamuud  Dirir iyo Madaxweynaha kililka shanaad Cabdi Maxamed  Cumar iyo weftiga reer Kenya ee uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin.waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Malas Zanawi oo labaduba ii soo diray Hambalyooyin. Waxaan u mahad naqayaa beesha caalamka iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diiwaan gelintii iyo doorashadii oo ay ka  mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka iyo dawladaha Midowga Yurub. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa  Goleyaasha qaranka, Axsaabta, saxaafada iyo Madaxdhaqamadeedka Somaliland waxaan ilaahay ka baryayaa inuu xilkan noo fududeeyo waxaanan balan qaadayaa inay siday igu doorteen aan hormuud ugu noqdo oo aan u dedaalo horumarkeeda isla markaana aan cadaalad ku dhaqo ayaan balan qaadayaa.”

Madaxweyne Siilaanyo Khudbadaasi uu jeediyay 27 July kamuu hadal waxbadan oo khuseeya Qorshe siyaasadeedkiisa, waxaanu arintaasi ku sii qadimay Buugii Cagaarnaa ee Xisbigiisu Ololaha Doorashada ku galay, kaasoo marka dib loo tixraaco aan laga dhaxlin wixii laga Filayay, sida loogu Guul daraystay ama loogu Hungoobayna aynu halka si taxane ah ugu soo bandhigi doono Maalmaha kooban ee ka hadhay Bishii Taariikhda Somaliland gashay  ee Jully.

Hadaba Hor dhac iyo Gogol xaadh dheer ka dib Buugii Kulmiye Ololaha ku galay iyo faashilka ku dhacay waxay ku bilaameen sidan:- IX. LA-DAGAALLANKA SHAQO LA’AANTA :

Xisbiga Kulmiye wuxu ku balan qaaday inuu dedaalayo  shaqo u abuuris loo sameeyo dhallinyarada camal la’aantu ragaadisay isagoo ku tallaabsanayaa arrimaha so socda:

  1. abuuridda mashaariic horumarineed oo dad badan mashquulin kara, gaar ahaan kuwa aan khibradda lahayn (labor intensive projects) sida dhiraynta, waddooyinka, dhaamamka, iyo biyo-xidheennada;
  2. u-samaynta xirfado shaqo dhallinyarada aan wax barashada fursad u helin, u-jahayntooda ilo dhaqaale sida kallumaysiga, beeraha, xoolaha iwm;
  3. gacan-qabashada ganacsatada yaryar iyadoo loo fidinayo deyn heerkooda la jaan-qaadda.

Hase ahaatee La Dagaalanka Shaqo la’aantu markii ay talada la wareegtay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay isu bedeshay la dagaalanka Shaqo abuurista, Curyaaminta Ganacsatada yar-yar ee soo koraysa, waxaana la ogsoonyahay hawl-galkii lagu riiqmay ee ay Xukuumaddu horaantii sanadkan suuqa kaga xaaqday Boqolaal Danyar Xoogsato ah oo aan loo aabo yeelin Hantidoodii, isla markaana Cagaf lala daba socday teer iyo markii suuqa laga saaray.

Qodobka kale ee aan isagana la Iloowi karin waxa uu yahay Shaqo abuuris loo sameeyo Dhalinyarada Iska daaye kuwii hore ee ka shaqayn jiray Xafiisyada dawlada ayaa si xeeladaysan Khadka looga saaray, laguna bedelay Dhiig cusub iyo  dhalin cusub oo ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay kulmiye, taasoo abuurtay in kuwii shaqada laga eryay ay Bedeleen kuwii suuqa joogay ee markii Buugan la qorayay Muqday.

. LA-DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA:

Musuqmaasuqa Xisbiga Kulmiye wuxuu ugu muuqday cunsur qayb weyn ku leh ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dib-u-dhaca ku yimaadda hanaanka dawladnimada . Sidaa darteed, si loo xakameeyo musuqmaasuqa barriinsaday dalkeenan curdinka ah, wuxuu Xisbiga balanqaaday inuu  ku tallaabsanayo arimahan soo socda :

  1. hawlgelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo waliba u baahan tahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale waxna uga dhigmi karaan, iyo weliba dheef hawlgabeed oo munaasib ah oo qofka shaqaalaha ahi ku talogalo inuu xaqiiqa ahaan yeelanayo ka dib markuu shaqeeyo muddo go’an;
  2. habsami-u-dhimidda shaqaalaha dheeraadka ku ah shaqaalaha dawladda, iyadoo la siin doono shaqaalaha la dhimayo xuquuqdooda muddadii ay shaqaynayeen;
  3. dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ila hoos;
  4. dejinta nidaam maaliyadeed oo lagu ogaan karo xatooyada iyo wax-is-weydaarinta, heer kasta oo shaqo, laga bilaabo madaxtooyada ilaa heerka ugu hooseeya ee wax-soo-saar ama isticmaal hanti ummadeed;
  5. dejinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa oo suurto-geliya in la baadho dembi lagu oogo, cidda lagu helena xabsi dheer looga heli karo iyo dib-u-soo celin hantida ku maqnaata sida la- wareegid hantida uu ka meelaystay shaqada ama horeba uu u lahaa si looga gooyo hantida ku maqnaata;
  6. baadhidda hantidii laga meelaystay ummadda laga soo bilaabo dib-ula-soo noqoshadii dawladnimada ee may, 1991, dib-u-soo celinteeda iyo maxkamadaynta ciddii kasta ee fal noocaas ah ku kacday;
  7. u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisa.

Arimahaasoo ahaa  kuwii  ugu xaasaasisanaa ee laga doonayay in Xukuumadda Kulmiye talaabo muuqata oo dadka deeqda  ka qaado,taasi bebedlkeeda baadhitaanadii Hantidhawruhu bilihii hore ee sanadkii 2011 waxay  ka dhamaan waayeen Baadhista dawladaha hoose, Xoghayayaal la xidh-xidho, Maayiro la carsho carsheeyo iyo Agaasime waaxeedyo qaab guracan Eedaymo musuqmaasuq loogu soo oogo, laakiinse mudo ka dib ilaa hada waa lays waydiinayaa meesha uu ku dambeeyay Hantidhowrihii Diirada araga dheer sitay iyo Balan qaadkii Kulmiye ee la Dagaalanka Musuqmaasuqu.

Waxaana xusid mudan in Musuqmaasuqu halkii uu taagnaa xiligii Rayaale inuu ka sii siyaaday mooyaane waxba aanay ka  dhicin, waxaana  hada soo baxday  oo la ogyahay inay  Madaxda Xukuumaddu si xeeladaysan oo aan Muuqan ugu takri falaan xoolaha umadda, mashaariic u gaar ah iyo nidaam ugub ahna ugu leexsadaan Malaayiin Doolar oo umadda leedahay, waxaana tusaale laga soo qaadan karaa Mashaariicda Macdan qodista iyo Shidaalka ee Wasaaradda macdanta iyo Biyuhu Buug Xisaabeedyada gaarka ah u samaysatay.

DIFAACA QARANKA IYO SUGIDDA XUDUUDAHA

(b) CIIDANKA MILLATERIGA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsanaa in ciidan milateri ah oo adag oo dalkani yeeshaa u yahay cunsur aasaasi ah xaqiijinta gooni-isu-taagga iyo madax-bannaanidiisa. Sidaa darteed. waxa Xisbigu ku talo-jiray dhisidda ciidan milateri ah oo tayo sare leh kuna fillaada difaaca dalka iyo ilaalintiisa, waxaanu balan qaaday arimahan soo socda:-

  1. in uu isagoo ka duulaya khataraha hor-yaalla, qorsheeyo tirada ciidan ee lagaga hor-tegi karo, tayada uu u baahan yahay (tababar, hub iyo qalabba) iyo sida loogu heli karo;
  2. in ciidanka hadda jira (ee aan magac u gaar ah, dhisme ciidan iyo darajadii kala sarrayneed ee aasaaska u ahayd kala dambaynta lagama-maarmaanka u ah ciidan milateri) uu ku sameeyo dib-u-habayn meesha ka saarta dhammaan dhalliilahaas iyo kuwa kale ee jiraba;
  3. in dadka aan wax-tarka u lahayn ciidanka si habboon loo dhimo, sida ku wareejintooda mashaariicda horumarineed ee shaqo-abuurka ah;
  4. soo saaridda saraakiil dhallinyaro ah oo hoggaamisa hurimaha iyo ururrada ciidanka iyadoo fiiro gaar ah la siin doono dhallinyaradii jabhaddii SNM ee waayo-aragnimada dagaal yeelatay.

Laakiin marka xaqiiqada laga hadlayo labadii sanadood ee hore Dhamaan arimahaasi Madaxweynaha iyo Xukuumadda talada Haysaa waxba kamay qaban waanay ku fashilmeen, iyadoo inta la ogyahay taasi bedelkeeda Ciidamada la qoray ay yihiin kuwo ka sii liita Ciidankii uu Kulmiye dhaliili jiray xiligii Ololaha, isla markaana dhibaatooyin kale oo muuqda loo geystay Milgihii Ciidamada qaranka, gaadhayna xaaladoodu inay wakhtiyada qaar dib uga soo baxaan Fadhiisimadii ay joogeen iyagoo ka cabanaya mushahar yaraan iyo dhaqaale xumo.

Labadii sanadood ee Xukuumadda madaxweyne siilaanyo jirtay saddex jeer ayaa la bedelay Taliyayaha Ciidanka Qaranka, waxaana dhacday faro-gelin Wasiiradda Xukuumaddu ku sameeyeen arimaha Milateriga, taasoo dhalisay Khilaafyo soo noqnoqday iyo God-daloolooyinkii Ciidanka qaranka oo Cadowgu Ogaaday.

  1.         I.            KOBCINTA DHAQAALAHA IYO LA-DAGAALLANKA SABOOLNIMADA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in faqrigu yahay masiibo culus oo Ilaahay laga magan-galo, haddaanay ummaddu u guntan inay wax qabsato oo aanay wajihin inay mushkiladdaa isku-duubni kaga baxdana aanay jireyn cid kale oo ka saari kartaa. Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu ku dedaali doonaa inuu abaabulo ummadda una kala jaheeyo ilaha dhaqaale ee dalka, talo, tusaale iyo maalgelin wixii uu u heli karo ama u raadin karana aanu ka hagran doonin.

Qodobkaa laftiisa waxba lagama qaban, waxaana bedelay in Ilaha dhaqaalaha ee khaaska ah ama Bulshada lagu naasnuujin lahaa ku dhacaan Weel ay u samaysteen qaar ka mid ah kuwii gacantooda laga sugayay oo iyaguba aan haysan Faro-qabsi ka horeeya xilka loogu dhiibay umadda, lagana yaabo inay mudo dheer ku soo Haraadeen Ololihii Xisbiga Kulmiye ee mar lagaga guulaystay.

(x) DHIIRRI-GELINTA KA FAAI’IDAYSIGA KHAYRAADKA KALE:

Waxa xisbiga Kulmiye diiradda saarayaa ka faa’iidaysiga iyo abuuridda ilo cusub oo dhaqaale kuwaas oo ay ugu horeeyaan:

  1. ilaalinta, dhawrista iyo si san uga faaii’daysiga khayraadka badda;
  2. sahaminta macdanta iyo shidaalka;
  3. sahaminta khayraadka biyaha, qabashada biyo roobaadka, samaynta biyo-xidheeno, harooyin iyo balliyo.

Qodobkan marka si guud looga hadlayo xukuumadu mudadii ay jirtay marbay soo bandhigtay ka faa’idaysiga Kheyraadka badda, hase ahaatee wali umay dhaqaaqin sidii loo fulin lahaa dhamaystirkiisa, biyo-xidheeno la sameeyo iska daaye mashruucaasi wuxuu noqday mid Dukaan qarafaysi u noqda hay’adaha ku shuqul leh.

Qodobka kale ee Xukuumadda Siilaanyo aanay ku darsan Qorshaha hase ahaatee ka mid ahaa dardaarankii uu Rayaale Faray siilaanyo maalintii xil-wareejinta waxa uu ahaan Midnimada shacbiga, sugista Xuduudaha wadanka iyo guud ahaanba isku haynta shacbiga kala bulshada ah ee reer Somaliland, taasoo laba sanadood ka dib la arko halkay isla marayaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo saaxiibadiisii kulmiye.

Maanta Somaliland Lowyo cado ilaa iyo Ceelaayo maamulka Somaliland intii uu joogay afar sanadood ka hor dhul badanbaa gacanta ka baxay, waxaana ka mid ah Deegaamo badan oo ka mid ah Goboladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, iyadoo dhinaca Galbeedkana aanay jirin sil-siladii umadda ka dhaxaysay ee ahayd in loo wada guntado horumarinta wadanka.

Deegaamada Mudo xileedka Siilaanyo faraha ka baxay waxa ka mid ah kuwa Bariga Sanaag oo ay Laasqoray ka mid tahay, Buuhoodle, Taleex, Widh-widh, Hol-hol, Kala-baydh, xadha-dhanka iyo Dhul badan oo kale, kuwaasoo maalinba maalinta ka dambeysa ka sii fogaanaya ka mid noqoshada Jamhuuriyada Somaliland tan iyo maalintii kulmiye talada qabtay, iyadoo sababta ay u go’eena wax badan laga saarayo siyaasad xumada xukuumadda siilaanyo iyo kala socoshada nidaamkeeda shaqo.

La soco qormooyin kale oo aanu isku bar-bar dhigi doono Buugii Kulmiye iyo Hadimooyinka uu dalku ka dhaxlay labadii sanadood ee lagu dhaqay

 

source: waaheen

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top