Aroos Mucjiseedkii Qarniga oo Hargeysa ka dhacay Xalay
Hargeysa (saraarnews) Habeenkii xalay ayay Magaalada u ahayd mucjisadii Qarniga , ka dib markii ay dadab-galeen Nin iyo gabadh aan qabin laxaad indhaha,kuwaasoo aroosku noqday kii ugu xiisaha badnaa Magaalada Hargeysa iyo dhul kale ee ay Soomaalidu ka degtay gobolka Geeska Afrika.
“Anigu runtii waxa ay ugu ahayd wax la yaab leh, waaxa aroos cajiib leh,laakiin waa aynu u ducaynaynaa, waa dad aan lahayn laxaadka indhaha waxa aan leeyahay Ilaahay ha idiin gargaaro, hana idin barakeeyo” ayuu yidhi Cabdicasiis Cali Cadaani .
“Ninka iyo gabadhan guurkoodu waa mucjiso, waana wax aanan weli maqal, hase yeeshe waxa ay anigu ila ahayd aan isu guurin , waayo dee hagaya, ileen waa kuwan indhaha leh, sideebuu noqon doonaa xaalkoodu mustaqbalka” ayay tidhi Fadxiyo Maxamuud.
“Yaabka yaabkiisa aroos aan la arag ayuu ahaa kani, xalay waan joogay, dee siday gacmaha isku haysteen, ee gacmaha la isku dhaafsaday walaahi waan tacajabay, waxa aan odhan lahaa dadka dhibaataysan arrintooda hoos ha loo eego” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Ismaaciil.
Si Kastaba ha ahaate arooska lamaanahan indhoolayaasha ah, ayaa noqon doono mid raad-reeb ku yeesha maskaxda dad badan oo Soomaaliyeed oo ay filan waa ku noqotay.



