Waxaa Shalay Galab lagu aasay magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer Muj Mataan Mahdi Xaaji Maxamuud, Alle haw naxariistee waxaa Marxuumka maanta Dilkiisu ka dhacay magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar Dilkas oo illaa hada aan La hubin siddii uu u dhacay.
Waxaan Halkan Idinku soo Gudbinayaa Taariikh Nololeedkii Mujaahid Marxuum Mataan Mahdi X, Maxamuud, Marxuumku Sida ay ii xaqijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa waxa uu ku dhashay Hiladii 1965 Degmada Balidhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer. Yaraantiisi waxa uu ku barbaaray Isla degmada Bilidhiig, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisi ugu horaysay.
Mataan waxa uu kamid noqday dhalinyaradii Aadka u da’ada yarayd ee ka dhiidhiday dhibaatidii foosha xumayd ee uu ku hayey dadka reer somaliland Maamulkii Kali teliska ahaa iyo Xisbigii Hantiwadaaga ahaa ee uu Hogaaminayey Mahamed Siyaad Barre. sida la ii xaqiijiyey Mataan waxa uu talabay 1983 isagoo ka tagay Magalada Burao ee Gobolka Togdheer Xarunta u ah, Mujaahid Mataan goosashadiisu waxay ahayd mid qarsoon oo uu la wadagay xubno kamid ah qoyskiisa, sababtoo ah baqdin uu u baqayo ehelkiisa in lagu dabagalo Madama Taliskii wadanka markaa xukumayey aanu raali ka ahayn Halgankii wadanka lagu xoreynayey.
Mataan Ilahay Qabriga ha u nuuree waxa u si toosa u tagey degmada Balidhiig oo ah goobtii uu ku dhashay kuna hana qaaday, isla markaana kamid ahayd Meelaha ay ka socotay Neecowda iyo dabaysha Gobonimodoonka ahayd ee dalka lagu xoreenaynayey. wakhti aan badnayn Kadib Mataan waxa uu u talabay Hawdka Balidhiig isaga oo si toosa ugu Biiray Garabkii Milateriga ee ururkuu Mujaahidiinta SNM. Mataan waxa uu tababar kusoo qaatay Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Baabuli ee ku yaalay Ethiopia. Intaas kadib waxa uu ku biiray Guutadii 1aad Oo uu xubin ka ahaa ilaa intii dalka laga xoraynayey.
Marxuum Mujaahid Mataan Mahdi Xaaji Maxamuud Wuxuu ka qayb galay dagaallo kala duwan wuxuuna ahaa hormuudka dagaalyahannadii ururkii SNM. Wuxuuna dhaawacmay sedex jeer waxaanu kula dhaawacmay dagaaladii ka dhacay 1984 gudagalkii buuraha, 1986 Xaydh Ducato,1989 Coodanle, Intaaba waxaa soo gaadhay Dhaawacyo .Mujaahid Mataan Alle Ha-u Naxariistee Waxaa Walaalkii Mujaahid Afqalooc oo Ay ka wada tirsanaayeen Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniyaga Somaliland ee SNM ku shihiiday Dagaalkii Qadhaadhaa ee ka Dhacay Gubad Xariir Alle Labadoodaba How Naxariisto.
Mujaahid Mataan Mahdi markii Dalka la xoreeyey waxa uu si toosa ugu Biiray Ciidanka qaran Jamhuuriyada Somaliland isla markaan Mataan waxa uu ahaa Taliyaha sahanka ciidanka Qaranka ee Guutada 12aad, ilaa intuu uu ka dhimanayey.
Mujaahid Mataan Mahdi Xaaji Mahamoud Ilahay ha u naxariistee waxa uu Guursaday 3 dumar aH, Wuxuu ifka Kaga Tegay 7 Caruur oo Sedexdaa Dumarka ahi kala dhalleeen 5 wiil iyo 2 hablood.
Alle naxariistii jano haka waraabiyo Marxuumka ddhamnba qaranka SL ee uu usoo halgamay iyo Eheladii iyo qaraabadisiiba Samir iyo iimaan haka siiyo.
Allaylehe Mataan Wuxuu ahaa
Wiil Mageyno’e
Alleylehe Mataan Wuxu Ahaa
Maayad Xoog Badane
Allaylehe Mataan Wuxuu Ahaa
Mahurtadeeniiye
Allaylehe Mujaahid buu ahaa
Ruux Mageyno ahe.
Cali Kayse Kabadhe
calikayse@live.com
The Netherlands/ Amsterdam
Popularity: 2% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah
- Sidee Loo Xakamayn Karaa Been-abuurka Saxaafadda? Qore: Qaasim Haybe Qaalib




