Gabaygii Qudhaanjo waxa tiriyey Axmed Fartaag

Abwaan Axmed C/laahi Maxamud,

Axmed Fartaag,Gabaygii Qudhaanjo
Qof baa ku dhici mooyee isma odhan qudhaanjaa ku dhici

Dadku kala wanaagsane anoo deeqda kuu fidiyay
Bakhayl baa wax diidee anaa duunyo kuu qubaye
Dar Ilaahay waataan ku idhi daaqa waa nabade

,
Daris xumadu waa ceeb waxaad daakhilka u galiye
Durba madhisay xeedhyii waxaan doobi buuxsadaye
Dulka muumin baad tahay mid aan cidi dareemayne
,
Dagta waxaad ku qaadiyo ma arag doonyo kuu rarane
Duxdii dhuratay maantoo wakaa madhan darkaygiiye
Daaman aad ku ridiqdiyo ma lihid ilig daliigaaye
,
Dibiro kaama muuqdiyo anfaco daacadii dharage
Sonkortii dal daltoo adaa cunay daqiiqdiiye
Daris xumada maan kugu aqoon duul wax boobaaye
Daalinnimada kugu maan ogayn dooxatiyo tuuge
Docdaad gaysay maan garan duunyadadiiye
Kuma doodanan aniguye adaa duulimaad yimide
Ma dadkaa collowdeen adaa soo dagaal tagaye
Dulmi kuuma jiidhana adoo mari duleedkaase
,
Amba duubka ii sudhan ayaan daaya kuu idhiye

Qudhaanjoy wax badan baankaa dalbaday inaad idaysaaye
Dulqaadkayga badan baad is tidhi waa damiin kaniye
Daacad baan ku moodee hadaad igu dugaagawday

,
Deegaanadaadiyo ma tagin dagaladaadiiye
Doolaalo dheerida adaa soo dagaal tagaye
Dayna kuuma hastiyo waxaad guratay duunkay,e
,
Daaradayda ii dhaaf adaa galay docdaydiiye
Daladalooladadii ku noqo iyo dibadii aad joogtay
Danahayga adigaa galee kulama doodeene
Adba duul shinbirihii daaq ma waayaane
,
Dacwadna kuuma haystoo adaan dolar soo celine
Wixii daganba adigaa cunoo doonta maal kale,e
Ma daboolaydaydaa xumaa maxaad iigu soo duushay
,
Sidii diirta oo kale adaa madhiyay doogiiye
Aboor waxaan ka diidaad adna doorkan wadataaye
Maad i daysid samahiyo hadaad diinta garanayso
Digniin baan ku siiyee hadaad iga danbayn waydo
Deelqaaf ma qaatee hadaad diiday soo celiso
Ana waan ku dilayaa sidii dawlad xoog badane
Dib u joogso oo carar yaan digada kaa dhigine,,
Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12