Dastuurka Soomaaliya oo Ilma iska soo Ridida ogolaaday iyo Ergada dastuurka Soomaaliya oo diiday inay soomaan Bisha Ramadaan
Mogadisho (saraarnews) Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, ayaa ka doodaya dastuur cusub oo oggolaanaya in hooyada uurka lihi ilmaha iska soo ridi karto, si ay u badbaadiso nolosheeda, iyada oo sharci yaqaanno caalami ahina tilmaameen in dastuurka cusub ee Soomaaliya dammaanad-qaadayo xuquuqo aasaasi ah oo badan, marka loo eego ka Maraykanka.
Arrintan ayaa keentay in dumarka Soomaaliyeed qaarkood ay aad u soo dhoweeyaan qabyo-qoraalka dastuurka, halka ay kuwo kale oo asalraac ahina ay si adag uga hor yimaaddeen furfurnaanta badan ee ka muuqata nuqulkan.
Hase yeeshee, qaar ka mid ah xuquuqaha ku dhawrsan dastuurka cusub, sida xuquuqaha helitaanka adeeg caafimaad ama biyo nadiif ah ayaa ah kuwo ay fulintoodu ku adkaanayso xukuumadda iman doonta, maadaama aanay dalka suurtogal ka ahayn daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee ay cuntadu u horreyso.
“Dhammaan muwaaddiniintu, iyada oo aan loo eegay jinsi, diin, dabaqad bulsheed iyo mid dhaqaale, aragti siyaasadeed, qabiil, naafanimo, shaqo, dhalasho ama af; waa inay dastuurka hortiisa ku helaan xuquuqo siman.” ayuu dhigayaa dastuurku.
Gudniinka habluhu “Waa caado axmaqnimo oo bahdil ka muuqdo, taas oo la mid ah jidh-dil. Gudniinka habluhu waa xaaraan” ayuu lagu yidhi Distoorka.
Dastuurka qabyo-qoraalka ahi waxa uu sidoo kale qabaa in gabadha uurka leh oo ilmaha iska soo riddaa ay liddi ku tahay shareecada Islaamka, laakiin ay bannaan tahay marka loo eego xaaladaha muhiimka u ah badbaadinta nolosha hooyada.
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya – oo 825 ka mid ah – uu shir sagaal maalmood soconayaa uga bilowday Muqdisho July 25-keedii ayaa ka doodaya, isla markaasna ansixinaya qoraal (dastuur) sannadihii la soo dhaafayba samayntiisa lagu hawlanaa.
Dhinaca Kalena waxa la sheegay inay soo baxday in Rag odayaal ah ay raashin ku dhex cunaan xarunta shirka ee Muqdisho xili lagu jiro Bisha Barakacaysan ee Ramadaan ayaa waxaa arintaas kahadlay Culumadda Soomaaliyeed.
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Culumadda Soomaaliyeed ahna Gudoomiye kuxigeenka Hay”ada Culumadda Soomaaliyeed ayaa mid aad ufool xun ku tilmaamay in dad waa weyn ay cunteeyaan xili bil ramadaan lagu jiro.
Riix Hallan si aad udhagaysato Kalmada Sh Nuur Baaruud Gurxan
Waxaa uu sheegay in hadii dadkaas ay yihiin dad xanuusan xitaa aysan xaq ulahayn in meel banaan ah uu cuno lasoo istaago waliba iyadoo ay la joogaan Dad Soomaan.
Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku tilmaamay ficilkaas mid aan meelna kasoo gelin shareecada Islaamka loogana baahan yahay cida ku dhaqaaqday in ay alla kacabsi samayso oo ay toobad keento.
Waxaa lasoo sheegayaa in ergada shirka Ansixinta dastuurka qabyada ah ay ku jiraan dad aad ubadan oo rag iyo Haween Masoomayaal ah iyadoona dowlada KMG ay raashinka ukeento.




