Wararka

Godka Lagu Cadaabyow Muxuu Go’uhu Been sheegay : Riyada Cismaan Hindi

Nin baa beri riyooday wuxuuna ku riyooday inuu gamuun ama falaadh riday ka dibna ay ugu tagtay ina cabdulle xasan oo jooga badweynta hindia magaalo u dhow Eyl oo Garacad la yidhaahdo, ka dibna Ina cabdille xasan ay feedhaha kaga dhici gaadhay oo uu ka gabaday. ka dibna wuxuu raaciyey tix gaaban oo gabay ah oo uu ku sifaynayo inuu sayidkii sigay, wuxuuna yidhi :

Hootadaan goldheeriyo ka riday xanano guudkooda
waxay sii giglaysaba markay gog iyo Eyl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhankiiye

Ina cabdille xasan ayaa loo geeyey in ninkaasi gabay soo tiriyey sidaana ku riyooday, ka dibna wuxuu ugu jawaabay tix gaaban oo gabay ah wuxuuna yidhi,

Ninka yidhi waxbaan gani anoo gol iyo cayn jooga
ee yidhi baddii garacad baan gudub u weydaarin
godka lagu cadaabyoow muxuu go’uhu been sheegay

Hadalkaa gudaa loo diray iyo gacal islaameede
Nin garaadleh oo idili  waa gurti loo naqaye
Rabaan idinku gawrshaye baldaya garaca weedhiisa  

Galbeed waxan ku nacay faanka iyo guuxa beenta ahe
Waa guun ciyaysiyo shinbiro giririftoodiiye
Eeboow gef badanaa bal muu gaardiga u kaasho
.

Waxaa taas ka dhigan hadalka milgaha iyo anshaxa siyaasadeed ka madhan ee uu caadada ka dhigtay ninka abtirsiintiisa lagu muransan yahay ee Cismaan Cabdilaahi cigaal “hindi” loo yaqaan”, isku dhererinta iyo Afxumada cismaan hindi oo raga qaar soo jeediyeen in hadii Rashiid Bulo  (AHUN) noolyahay looga Ergoon lahaa, hase yeeshee hadii la waayey cid ka sokaysa Bhopal(hindia) oo arinkiisa KA Odayaysa,  waxayn noqonaysaa in wax laga yidhaaho.

Xusuusin: “Rashiid bulo wuxuu ahaa Fanaan reer somaliland ah oo asalkiisu Hindi ahaa ,Bhopal waa magaalo ku taal hindiya oo Qabiilkoodu degi jiray

Inta aanu cismaan hindi u boodin Gudoomiyaha Sharafta leh iyo mandellaha somaliland waxaa la gudboon inuu isweydiiyo Shalay iyo Maanta keebaad waalayd, ma maanta oo aad Riyaale difaacayso mise Shalay oo aad Siilaanyo Amaanaysay, oo aad lahayd Riyaale ha la toogto , Bal adigu naftaada Xukun.

Mida kale Hargeysa waxaad ku soo kordhisay oo bulshadii kaaga cabanaysaa Dhaqan xumo aan hore Hargeysa loogu aqoonin, oo ah inaad hoygaagii iyo Meheradahaagii ka dhigtay meelo raga iyo dumarka la isagu soo xereeyo, oo weliba waxa la cadaynayaa inhablaha lagu Farxumeeyey Xarunta Aroosyada ee Hargeysa aad ka furtay ay u badan yihiin qaar da’doodu ka hoosayso 14 jir, bal taana waxaa lagaa doonayaa inaad magac iyo qiil u samayso.

Cismaan hindi Waxaad jooji jirtay wadanka Sweden Khaasatan magaalada malmö , waxaanad ogtahay in Weli dawlada Sweden sidii kuu raadinayso oo aadan wadankeeda soo geli karin maadaama oo lagagu leeyahay, Lacagtii CSN ee Amaahda ahayd iyo dayn kale oo bangiyadu kugu yeesheen, Lana filayo in  lagu qabto marka ugu horaysa ee aad cagaha soo dhigto, sidaa Aaawadeed Bal ka sheekee maalintii Tuug iyo Khaayin La aamini jiray , hadii aanay ahayn waxa Riyaale kugu caashaqay?.

 
Waxaan talo kuugu soo Jeedin lahaa,  Ma tihid maanta kii Muuqan lahaa waxaad tahay kii dhuuman lahaa, Mujaahid Siilaanyona waa Ku ceeb inuu kuu jawaabo, mana istaahishid wax waqti lagu lumiyo.

Xulashada Shabakada

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top