Habro Dhaqameedkii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo Madasha ka dareeray

Mogadisho(saraarnews) War hadda soo dhacay oo  naga soo gaaray hoolka uu ka soconayo shirka Ansixinta dastuurka KMG-ah  ayaa sheegaya in Ergadii Habro-dhaqameedka  ee shirka ka qeyb galaysay ay kulanka isaga soo baxeen.

Mid kamid ah Haweenka shirka isaga baxay ayaa Wariyaha Shacabkamedia ee kusugan Hoolka shirka usheegay in ka bixitaankooda shirka uu yimid kadib markii laga dhaga adeegay in wax laga qabto cabasho ay soo gudbiyeen.

 

 

 

 

“Waxaan wasaarada dastuurka iyo gudiga farsamada ugudbinay cabasho ku aadan in haweenka la siiyo boqolkiisa 30 dowlada soo socota, waa nagala diiday in xitaa nala dhagaysto saas ayaana shirka kaga soo baxnay’ayuu sheegtay Marwo Xaawo Yuusuf oo kamid ah Ergada ka qeyb galaysa kulanka.

“Haweenka Go’aankaas waa qaateen, shirkana waa kawada baxeen maadaama aan la dhagaysanayn’ayay ku jawaabtay Marwo Xaawo Yuusuy oo Shacabkamedia uga warbixisay,sababta ay u caroodeen Habro-Dhaqameedka.

Sidoo kale Kooxda haweenka ee ka baxday shirka ayaa ku eedeeyay Wasiirka dastuurka iyo kan arimaha gudaha in ay sida ay doonaaan shirka isaga maamuushaan,muhiimaad gaarna ahna ay siinayaan Oday-Dhaqameedyada,halka ay iska indho-tirayaan cabashadda ka imaanayso Habro-Dhaqameedka

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone