Dastuur Baadil ah oo Muqdisho lagu ansixiyey
Muqdisho (saraarnews) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijada codeyntii dastuurka qabyada ahaa ee saaka ka dhacday xarunta shirka ansixinta dastuurka ee ka socotay magaalada Muqdisho.
Guddiga tirinta codadka ayaa shaaca ka qaaday natiijada iyadoo ay garab taagan yihiin wasiirka dastuurka iyo ku xigeenkiisa.
Natiijada waxay u dhacday sidan:
Guud ahaan madasha shirka waxaa saaka timid: 645 ergay oo kaliya.
Ergada ‘HAA’ ku codeysay: 621 ergay ( oo u dhiganta 96% guuda haan ergada)
Ergada ‘MAYA’ ku codeysay: 13 ergay (oo u dhiganta 2% guud ahaan ergada)
Ergada ‘KA AAMUSTAY’: 11 kaliya (oo u dhiganta 2% guud ahaan ergada)
Prof Xuseen Warsame oo ka mid ah guddiga tirinta codadka ayaa ku dhawaaqay in dastuurkii qabyada ee Soomaaliya si ku meelgaar ah loo ansixyet,taasoo micneheedu yahay in dastuurka lagu sii dhaqmi doono illaa inta ay wax ka bedelayaan baarlamaanka cusub kadibna afti dadweyne Soomaali oo dhan ka kooban ay u codeyn doonaan markale.



