Taleex iyo Buuhoodle oo Takaradhabanayey Xalayna aan laga seexan

Buhoodle(saraarnews)  Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Taleex ayaa soo sheegaya in  Shalay galab iyo Xalay  Magaalada Xaalkeedu ahaa Wadnahay Dhag leh  oo  dareenkeedu aad u sareeyey iyadoo laga dareemayo sansaan diyaargarow oo ay ka muuqato jaahwareer  dhanka hogaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay goosashadii ciidamadii khaatumo Seeg  ee maanta u galay Somaliland Gaar ahaan Saldhiga 7′aad ee uu Hogaamiyo Col.  Mahad Canbaashe ay ku abuureen magaalada jawi deganaansho la’aan ah iyo Baqdin ay ka qabaan in weerar degdeg ahi kaga yimaado dhinaca Ciidamada qaranka ee somaliland.

Wareer weyn ayaa la sheegay inuu la soo dersay  Col. Maxamed Yusuf Jaamac ( Indhosheel) ee xaga nugaasha ku go’doonsan oo raadinaya wadadii uu u mari lahaa Buuhoodle iyo dhinaca hawdka , iyadoo la sheegay in ciidamada qaranku la socdaan dhaqdhaqaaqiisa, wuxuuna baqdin wayn ka qabaa in Ciidamada   Mahad Canbaashe weerar ku soo qaado magaalada Taleex iyagoo  Indhosheel  Raadkiisa ku jooga.

Dadka degaankaiyo waxgaradka magaalada ayaa la sheegay inay indhosheel ku wargeliyeen  inuu   Indhasheel  inta goori goor tahay  degaanka uga baxo, si aanu dhibaato ugu horseedin.

Dhinaca degaanka Buuhoodle hadaynu eegnana  Maleeshiyada maamulka Khaatumo, ayaa xalay illaa saaka  difaaca kaga jira Magaalada Buhoodle,iyaga oo sheegay in ay ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay  deegaanka Sooljoogto   ay weeraro ku soo qaadayaan Magaalada  si ay u qabsadaan.

Ragg   Hubaysan ayaa gudaha Magaalada ku sugan,kuwaasoo  la sheegay in ay  ka hortagayaan weeraro ay ka cabsi qabaan in saacado ka dib  ku soo wajahan yihiin ,iyada oo baabuur aan badnayn    oo kuwa dagaal ah  loo dhaajiyay dhanka Waqooyiga , waxaana  kooxo   taabacsan  Khaatumo  ay xaafadaha kula wareegayeen  Makarafoono  ay ugu baaqayeen in ay dagaal u diyaargaroobaan.

Suxufiyiin ku sugan Magaalada Buhoodle, ayaa u sheegay shabakeda wararka ee saraarnews   in xalay  ay dadku dareemayeen   cabsi dagaal oo ay suurtal tahay in uu  dagaal  dhexmaro ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo oo isku horfadhiya jiidaha  Maygaagle iyo Sooljoogto.

Sarkaal ka tirsan  maamulka Khaatumo  oo aanu isku daynay in aanu  wax ka waydiino  arrintaas  ayaa ka gaabsaday, laakiin waxa uu sheegay in ay dhankooda mar walba filayaan duulaan kaga yimaada ciidamada Somaliland.  Shakigan ayaa imanaya xilli  uu  jiro khilaaf u dhexeeyay kooxda Khaatumo iyo siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)  oo dhawaan heshiisyo siyaasadeed la  galay Somaliland iyo Puntland, isaga oo dhawaan Magaalada Buhoodle kaga dhawaaqay in  uu diyaar u yahay  in uu xukuumada Somaliland kala shaqeeyo  dadaalada nabada ee ay wado

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone