Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Digtoor Been-daac iyo Khibrad Xumadiisa Siyaasadeed

Hargeysa [saraarnews] Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa mar uu u waramayay Iddaacada BBC da  waxa uu ku soo bandhigay licib siqiirnimadiisa Siyaasadeed.

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko in la ansixiyay dastuurka Soomaaliya oo ka kooban 18 gobol oo kuwa Somaliland dabcan ka mid yihiin.

“Marka ugu horreysa aad-baanu ugu faraxsan nahay hawlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya iyo shuruucda iyo hay’addaha qaranka ay Soomaaliya ku samaynayso, sidii nabadgeliyaddeeda iyo dalkeeda iyo ummadeed u aslaaxiso.Waayo in badan Soomaliya waxaa ka tagnayd amni -darro iyo xukuumad la’aan iyo kala dambayn la’aan.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka ayaa kolkuu halkaa xaalkaa marinayo ayaa malaha xusuustay xilka wasiirnimo ee uu u hayo Somaliland ee malaha uu mid Soomaaliya ahna ku sugayo.

“Dhinac kale Somaliland waa dal madaxbannaan oo sharciyo iyo distuur ayuu dalkani ku dhisan yahay iyo golayaal qaran arrimihiisan sida ay beesha caalamku ka war hayso wuxuu u maamusha si madax bannaan oo gaar ah.Inkastoo weli Somaliland helin ictiraaf taam ah oo siyaasadeed, hase-yeeshee Somaliland ictiraafku mushkulad weyn oo uu hadda kala maqan yahay ma jirto waa dal madaxbannaani dunidu kula shaqayso. Waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna inay arrina ixtiraamto oo aanay hurin nabadgeliyo xumo cusub oo geeska afrika ka dhalata.”ayuu yiri wasiirku.

“Hase-yeesha wax kale oo noo muuqata arrimo aanu u arkayno faro-gelin halka (Somaliland), tusaale ahaan waxaanu maqlaynay ergooyin ka socda magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah jamhuuriyadda Somaliland oo ay Somalia sheeganayso inay ka qaybgaleen shirka ka socda Somalia arimaha xag xadka iyo goboladda ee distuurkan Somalia loo samaynayaa sheeganayo.Waxaanu arrimaha u aragnaa faro-gelin toos ku ah jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna beesha caalamkan aanu u sheegaynaa in arrinta la joojiyo waxay keeni karta caqabad hor leh iyo amni xumo hor leh oo ka dhacda geeska afrika.”ayuu wasiirku oo hadalkiisa siiwata.

Wasiirka ayaa hadaladiisa ku soo gunaanadey hanjabaad aan meela heysan ka dib kolkii uu shakhsiyan shuruucda dalka ku tumashadooda bilabay.

“Dhinaca kale ergooyinka la sheegayo inay ka soo jeedan meelo ka mid ah Somaliland oo ay ka qaybgalayaan shirkan waxaanu xusuusinaynaa inuu dalkan leeyahay sharci aanu oggolaananay in dad dalkan u dhashay in si sharcigga ka baxsan u metal shacabkan iyo dalkan oo aan lagu qaaday cida ay ku cadaato arrintaasi,”

Be Sociable, Share!

4 Responses to Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Digtoor Been-daac iyo Khibrad Xumadiisa Siyaasadeed

  1. Nasriina August 5, 2012 at 10:58 am

    Qofkana la leeyahay ciilmi bu leeyahay phd haysta xaal ka qaado cilmiyoow salaandiinta ka aragti roon kaa aqoon badan iyagay ahayd inay tagaan wataa wixii 21 sano la dhisayey 3 madaxwayne iskaga danbeeyeen god ku rideen bal aan eegno aayaha insha allah

  2. ASA August 9, 2012 at 3:34 am

    Dr. Maxamed C/lahi indhuhuu inoo shiday oo waa kaasi safiirada innoo keenaye xaasidka ka daaya oo kuwii tobanka sanadood fadhiyey ee aan fiyaaradda gaadhi aqoon dib u xussuusta.

  3. Gaadh haye August 11, 2012 at 10:32 am

    S/C.
    Ninkani wuu ku haftay Siyaasada, sida uu wax wadaana ma qurux badana,waxaase hore loogu maahmaahay, Ruqo ninkii lahaa dabada hayo,ma kacdo.
    inataas ka dib hadii federaalka la wada doonayo maxaa beelaha qaarkood, loogula dagaalmay Somaliweyn bay doonayaan?
    Madaxbanaanidii Somaliland way sii daba xuntahay!!!!!!!!!!!!!!!
    Salaamaad.
    wa bilaahi tawfiiq.

  4. iman jama August 16, 2012 at 3:04 am

    caqli iiba xageen ka doonaa ayaaa loogu maahmaahay nin cilmibadan lahaa 1960kii oo walaalkii oo reer miyi ah ku yidhi cilmi ayaan dibada ka raadsanayaaye xoolo ii soo iibi .

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone