Qorshihii Federaalka oo dhaqan galay Police-ka somaliland oo loo geleyey Dirayskii Soomaliya

Hargeysa(saraarnews)-Ciidamo Bilays ah oo qaba Dirays aan hore loogu aqoon Ciidamada amniga Somaliland ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay dhex gaafwareegayay Magaalada Hargeysa, kuwaasoo isweydiin badan bulshada ka dhex abuurtay.

 

 

 

 

Ciidamadan oo sida la sheegay qayb ka ah ciidamo Bilays ah oo  dhawaan lagu soo tababaray dugsiga Tababarka ee Mandheera ayaa si weyn uga dhaqan duwan Bilayskii ay shacbigu hore u yaqaaneen, isla markaana iyagoo raxan-raxan u socda, qoryahana si feejigan u sita dhex gaafwareega suuqyada iyo xaafadaha Magaalada, waxaanay taasi dhalisay in dadku su’aalo badan iska waydiiyaan hawl-galkooda iyo waxyaabaha soo kordhay ee ay dabada socdaan.

Sidoo kale isweydiinta laga qabo Ciidankan ayaa ah darayskooda oo ah mid aanay hore u isticmaali jirin Bilayska Somaliland, isla markaana marka uu askarigu kaa fogyahay aad moodayso qof shacabi ah oo qori sita, ilaa marka uu kugu  soo dhawaado aad in dharka uu xidhanyahay yahay mid Dirays loogu talo galay.

Habeenimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ayaa kolanyo  ciidankaasa lagu soo faraqay Suuqa Hargeysa, ka dibna waxay hurin hurin u marayeen Xaafadaha iyo Jidadka suuqa, iyadoo ay dad badani argagax ka muujiyeen, isla markaana su’aalo badan iska waydiiyeen.

Dad qaar ayaa sheegaya in Dirayska ay askartani sitaan u eegyahay Kii Bilayska Somaliya, khalad-na ay tahay in Bilayska dalka loo eekaysiiyo kuwa  Muqdisho ka hawl-gala, iyadoo dad kalena ay arintaasi mid ka duwan kuu sheegayaan oo ah dharka noocan u eeg aanu ahayn mid u khaas noqon kara Bilayska wadanka, laguna soo dhex dhuuman karo.

Horaantii sanadkan ee Bishii Appril ayaa Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Dr maxamed Nuur Caraale Duur isagoo goob Fagaare ah hadlaya  Hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta  ee UNDP ku dhaliilay inay  Dirayskii Ciidanka Bilayska  oo ay balan qaaday Hay’adaasi  bixin wayday, isagoo ku adkeeyay inay dhakso u fuliso bixinta dirayskaasi iyo balanqaadyo kale oo ay la gashay xukuumadda “waxaan  aad uga xumahay in hay’adda UNDP oo balamo hore u qaaday ciidamadda Booliska aan ilaa hadda laga haynin”-“Sanadkana heshiiskii aanu la geli lahayn waxa uu u baaqday oo aanu u sexeexi waynay ka dib markii ay ka soo bixi wayday dhamaystirka dirays u gaar ah ciidamada Booliska iyo dhismaha taliska oo gaboobay sidii mid cusub loogu dhisi lahaa kuwaas oo aanu ku heshiinay”ayuu yidhi.

Wasiir Duur oo maalintaasi ka hadlayay Munaasibad uu xilka kula wareegayay Taliyaha ciidamada Bilayska Somaliland ayaa hadalkiisa dad badani ku tilmameen mid ka baxsan Milgaha dawladnimada, hase yeeshee arinta hada soo baxaysaa waxay tahay Ma Hay’daha UNDP ayaa dirayskii laga dalbaday ka soo dhigtay kii Bilayska Somaliya mise xukuumadda ayaa meel kale ka soo tolatay Dharkan lagu bedelay dirayskii hore ee ciidamada Bilayska lagu yaqaanay

 

 

Source: waaheen

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone