Dawlada Denmark oo Xafiis ka furanaysa Somaliland isniinta berrito ah uguna deeqday 112 milyan oo dollar
Kopenhegan(saraarnews) Dawlada Denmarka ayaa daboolka ka qaaday inay Somaliland Xafiis mashaariicda qaabilsan ka furato maalinta isniinta ee 6-da bisha Augost tahay sida lagu baahiyey Jariirada ka soo baxda wadankaasi ee loo yaqaan jyllands-posten oo sheegay inay ka soo xigatay wadaarada Arimaha debeda ee wadankaasi. waxayna Sheegeen in xafiiskani noqon doono kii ugu horeeyey ee Noociisa ah ee ay Somaliland ka furtaan.
Christian Friis Bach (R) oo Somaliland booqday bishii febraayo 2012 ayaa arintaas hore daboolka uga qaaday xiligaas.
Dawlada Denmarka ayaa sheegtay inay somaliland ku bixin doonto Afarta sanadood ee soo socda dhaqaale gaadhaya 112 million oo dollarka wadanka marykanka ah.



