Baarlamaanada Somaliland iyo Puntland oo isku Maalin Ansixiyey Xeerka Doorayooshinka Federaalka

 Hargeysa/garoowe(saraarnews) Laba Golle Baarlamaan sharci dejineed ee Somaliland iyo Puntland ayaa isku maalin iyo isku saacad Ansixiyey  Xeerka doorashooyinka oo waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin yahay , Magacyada Labada maamul (puntland iyo Somaliland).  Labadan xeer doorasho ayaa la sheegayaa inay dabada ka riixaysay UNDP oo xubnaha Baarlamaanka Somaliland iyo puntland mid kasta siisa Mushahar US$500 ayaa dhigaya in tartamayaasha golayaasha doorashadu ku gelaan Lambaro halkii markii hore dhinaca somaliland lagu geli jiray SUMAD.

DHINACA SOMALILAND

 

Golaha Baarlamaan ka ee Somaliland oo Si weyn ugu Codeeyay waxka badalkii Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa (saraarnews) Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Saaka kal fadhigii aan Caadiga ahayn ee ay yeesheen si weyn ugu Codeeyay xeerka wax ka bedelka qaabka loo galaayo Doorashooyinka Golaha Deegaanka.

Kalfadhigan waxa kasoo Xaadirey 52 xubnood oo Baarlamaanka ka tirsan halkaas oo ay 37 Xildhiban u codeeyeen in sidii komishanku soo jeediyeen loo Galo Doorashada Golaha Deegaanka Halka ay 12 xildhibaan ayaa diiday 4 Xildhibaana way ka aamuseen Gudoomiyuhu muu Codeynin sidaana waxaa ku dhaqan galay in Mushrixiinta Golaha Degaanku ay ku galaan Doorashooyinka lambar.

 


DHINACA PUNTLAND

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meelmeriyey Xeerka Doorashooyinka Golayaasha iyadoona muddo laga doodayey xeerkan ayaa waxaa hareeyey muran ka dhashay degmooyinka laga codeyn doono iyo kuwa aan laga codeyn karin balse gabagabadii ayaa la Isku raacay Xeerkan.
Kalafadhiga Baarlamaanka Puntland oo soconayey muddo 52-cisho ah ayaa golaha waxaa xeerkan la horkeenay muddo 24-cisho ka hor isla mar ahaantaana dood dheer iyo buuq ka dib waxay 42-mudane isku raaceen in 21- degmo oo degmooyinkii hore ee dawladda Soomaaliya Xuduudaha sugan lahaa la siiyo tixgelin iyadoona 37-degmo ee xiligii Puntland la dhisay la magacaabayna laga codeeyo doorashooyinka kowaad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo Saxaafadda la hadlay kulanka ka dib ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey go’aanka ay gaareen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntlad ee ku aadan Xeerka Doorashooyinka Golayaasha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi  ayaa tilmaamay in golaha ay caqabad ku noqotay kuna adkaatay in degmooyinka Puntland ee aan lahayn Xuduudaha taasoo degmo weliba ay ka baxday kuwa horey u jiray Xukuumadihii hore ee Soomaaliya balse la isku raacay in 21-degmo ee jiray dawladii dhexe ee dalka ka jirtay ee lahaa Xuduudaha laga codeeyo doorashooyinka iyadoona tan labaadba la codeyn doono kuwa dhiman marka loo sameeyo Xuduudo sugan.

…””Maanta goluhu wuxuu isku raacay 21-degmo oo degmooyinkii hore ee dawladda Soomaaliya Xuduudaha sugan lahaana la siiyo tixgelin iyadoo 31- degmo ay doorashooyinka kowaad ka dhacaya Puntland,doorashooyinka labaad ee ka dhacaya Puntland inta aan la gaarin la Xadeeyo degmooyinkii cusbaa mid walba xad loo sameeyo si dhamaan 37-degmo doorashooyinka kuwan ku xiga dhamaan looga qabto,waxaa hakad keenay degmooyinkii oo aan kala xadeysneyn oo isku dhex yaacsan marka wey suura geli weyday in degmo weliba 37-seeko la dhigo maadaama aysan Xuduud lahayn,waxa marka la yiri doorashooyinka kowaad in lagu soo gaabiyo 21-degmo ee hore oo Xuduudaha lahaa een degmooyinkii kalena ee 37- degmo dhamaan codeyntu ka wada dhacdo dibna loo Xuduudeyo inta aan doorashada labaad la gaarin 16-degmo ee dhiman oon weli Xuduudahoodu hadda sameysneyn,saas goluhu isku raacay.

Xeerka Doorashooyinka degmooyinka Puntland ayaa ah mid lagu doonayo in looga gudbo nidaamka qabaliga isla mar ahaantaana loogu gudbo habka Axsaabta taasoo lagu saleynaayo degmooyinka ku qoran Dastuurka Puntland iyadoona ay Xildhibaanadu ku kala aragti duwanaayeen arrimaha goboladii hore ,kuwa cusub iyo Xuduudaha goboladaas.

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone