DOOD FURAN: DAHABSHIIL (QAYBTII LABAAD)
Qaybtani waxaan ku qaadaadhigi doonaa su’aasha labaad ee aheyd, “Wararka la sheegaayo in la jabsaday sirtii Dahabshiil, maxay yeeli kartaa shirkadda, isla markaana saameyn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa shirkadda?” Faalada arrintani waxan u kala qaadan doonaa dhowr qodob oo kala ah sida:
- Ma runbaa in shirkadda la jabsaday? Haddiise la jabsaday sidee loo jabsaday, ayaase jabsaday? Markii aan la kaashaday waaya aragnimada dheer een u leeyahay kombuyuutarada iyo internet-ka, waxaan u arkaa in la helay macluumaad duugoobay oo lagu keydiyey kombuyuutar maxali ah (local computer) amase aaladaha kale ee wax lagu doobo eey ka midka yihiin “ CD and or USB”. Aragtidayda ma jirto jabsi la jabsaday sirta Dahabshiil ee ku aadan dhaqdhaqaaqa socda . Haddii jabsiga la sheegayaa dhici lahaa waxa la soo bandhigi lahaa xaalada xisaabeed ee shirkadda kuna aadan waqtigani xaadirka ah, ee lama soo badhigeen macluumaad waa hore ah. Waxa kale oo dhici laheyd in loo geysto dibindaabyo badan ooy ka mid ahaan laheyd xatooyo. Cida heshay sirta gabowday ee shirkaduna maaha cid sheesheeya ah ee waa cid soomaali ah waxana arrintaa cadeyn u ah bayaanka la sheegay ee ah in shirkadda Dahabshiil qirato iney xidhiidh la leedahay argagaxisada Alshabaab, muddo laba bilood ahna jawaab ku keenaan. Hadaladani maaha kuwa looga bartay budhcada ajnabiga ah ee sirta bankiyada jabsada ee waa sheeko soomaali gaaban. Dahabshiil waxa looga baahan yahay iney baadhis ku sameyso meesha sirtani duugowday ka baxday ooy talaabo ka qaado haddii ay soo gasho shaqaalaheeda.
- Sirta ilaa hadda dibedda looga bixiyey saameyn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa shirkadda? Sirta gabowday ee ilaa hadda baxday haba yaraatee wax saameeyn ah kuma yeelan karto dhinaca xawaaladaha. Sababta oo ah xawaaladuhu maaha wax keyd ah ee waa lacag muddo gaaban ku baxaysa , dadweynuhuna waa wax ay daba joogaan, Dahabshiilna horey ayaa looga bartay aaminimo. Sidaa awgeed, dadweynaha faraha badan ee wax ka xawisha sharkadda warwar badan kuma hayso hawshani dhacday. Dadweynaha wax xawisha waxa shiki galiya haddii ay shirkadda ay la macaamilaan ay maqlaan in ay kacayso amase la xidhaayo. Waxase hubaal ah in si deedaba bankiyadu dacaayada aad ugu nugul yihiin. Aasaaska bankiyadu ku dhisan yihiin ayaaba ah aaminimo, macaamisha bankiyaduna dacaayadaha soo baxa uma qaataan wax fudud ee waxay siiyaan ahamiyad aad u weyn. Arrintani waxay I xasuusisay sheeko dhacday todobaataneeyadii oo aheyd sida : Oday ganacsada ah ayey lacag badani u taalay banki. Odaygu maalin kasta wuxu soo maraa bankiga iyo agaagaarkiisa si u u soo xuuraamo waxa bankiga ka socda. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu arkay dadkii oo kii bankiga ka soo baxaaba sito toban toban iyo shan shan. Markaas ayuu qaar ka mid ah dadkii weydiiyey dhacdadani. Dadkii ayaa u sheegay in bankiga aysan oolin noodhaad (notes) ka badan toban toban iyo shan shan. Odaygii wuxu u qaatay in bankigii falisay oo wuxu u tagay maamulihii oo wuxu damcay in lacagtii u taalay oo dhan la baxo. Markii maamulhii weydiiyey sababta ku kaliftay in hantidiisii oo dhan la baxo ayuu odaygii yidhii, “ Sowtani toban tobankii iyo shan shantii socota, maxaa markaa meesha yaala!.” Waxay arrintani murtideedu tahay in macaamiisha bankiyadu sideedaba shaki ku jiro ooy yihiin xasaasi. Shirkadda Dahabshiil waxa looga fadhiyaa iney dhacdadani ka faa’iideysato ooy xoojiso hanaanka maamulkeeda lacageed sugtana nabadgalyada kombuyuutaradooda, gaar ahaan inta aysan bankigoodu bilaabin amase u fasaxin macaamiishooda adeegsiga tooska ah ee internet-ka (Internet personal and corporate banking).
- Sida ay been abuur rakhiis ah u tahay xisaab cadeynta la sheegay in u leeyahay Cabdiraxmaan Ciro.
Xisaab cadeynta la soo bandhigay ee ku daabacan mareegtooyinku waa been abuur cad oon geedna loogu soo gaban. Waana been abuur ay sameeyeen dad cilmi yar oon aqoon u laheyn bankiyada ood xataa moodo ineysan waligoodba xisaab banki ka furan. Daldaloolada ku jira xisaab cadeynta la yidhi Cabdiraxmaan Ciro ayaa leh waa mid faashil ah oo cadeyntoodu tahay sida ku xusan shaxdani: Si aad u fahamto shaxda fadlan guji halkan si aad u aragto xisaab cadeynta aan ka hadlaayo http://sunatimes.com/uploads/content/file/2104.pdf
| DALDALOODA | FAALLO: SIDA AY BEEN ABUUR U TAHAY |
| Taariikhda 1/29/2010 | Taariikhdani waa waqtigii la sameeyey xisaab cadeynta lagu sheegay iney tahay mid koobaysa dhaqdhaqaaqa xisaabta laga bilaabo 1/29/2010 ilaa 07/29/2012. Taariikhda xisaab cadeyntu ku egtahay ee 07/29/2012 oo ah waqti aan la gaadhan marka la joogo 1/29/2010 oo ah taariikhda la sameeyey xisaab cadeynta ayaa muujinaysa been abuurka xisaab cadeynta. |
| Magaca: Cabdirahman Ciro | Bankiyadu kuma furan xisaabaadka magac naaneys ah ee waxay macaamiisha ka qaadaan warqada aqoonsiga ooy waafijiyaan magaca xisaabta lagu furaayo. Maadaama xisaabta la yidhi waxay ka furan tahay Hargeysa, waxay aheyd iney ku furnaato magaca Ciro oo saddexan sida dhaqanka Soomaalidu amase xeerka dowliguba yahay. |
| Isugeynta dhigaalka (deposit)$320,000 | Bankiyadu meesha dhaqaqdhaqaaqa dhigaalka loogu talagalay kuma qoraan isugeynta dhigaalka. Hadhaaga waxa lagu qoraa dhinac u gaar ah. Isugeynta dhigaalka iyo qaadashada (withdrawals) waxa lagu soo koobaa xaashi kale oo la yidhaahdo (summary of deposits and withdrawals). |
| Hadhaaga (current balance) $43,000 | Sida ka muuqata xisaab cadeynta, ma jirto wax xisaabta laga saaray min 5/3/2011 ilaa 8/4/2011. Xisaabtana waxa markii hore ku jiray $21,300 (beginning balance) waxana xisaabta lagu shubay lacag dhan $320,000 taasi oo lacagta hadhaaga ka dhigi laheyd $384,300. Qorsha xumadooda, iyana waxay qoreen in hadhaago yahay $43,000. Xisaabtani maaha mid is xidhaysa. Dahabshiilna wuxu hadda ku shaqeeya aalada kombiyuutarka oo qalad noocani ah aan marnaba sameynin. |
Shaxda kor ku xusani waxay daaha ka furaysaa been abuurka maqaamkeedu hooseeyo ee la rabo in dad wax bartay laga dhaadhiciyo.
Ugu dambeyn, waxaa muuqata in dadkii qoriga ku burburiyey Soomaaliya ay haddana rabaan iney qalin ku burburiyaan, taas oo ah wax aan suuragal aheyn. Waxan kula talin lahaa dadka ku mashquulshan been abuurka iyo dacaayadaha shirkadaha shakhsiga loo leeyahay ee ay ka mid tahay Dahabshiil iney daba jabiyaan lacagta masuuliyiinta dawladu ka musuqmaasuqaan dadweynaha maxasta ah een laheyn awood ay ku hadlaan amase wax ku qoraan. Daryeelka hantida dadweynaha ayuu dhamanteen xil inaga saran yahay ee iyeynaan ku daalin fadhi ku dirir iyo wax aan waxtar laheyn.
Maxamed Warfaa
maxamedwarfaa@live.com


