Jaamacadaha Hargeysa iyo Gollis oo Deeq qalab iyo waxbarasho ka helay Dawladda Turkiga

Hargeysa-(saraarnews)-Jaamacaddaha Hargeysa iyo Gollis, ayaa deeqo kombuyuutaro iyo qalabka daabacaadda isugu jira ka helay Dawladda Turkiga. Qalabkan oo isugu jira 80 kombuuyutar iyo 14 ka mid ah mashiinnada daabacaadda waraqaha, ayaa munaasibad lagula kala wareegay shalay lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Hargeysa.

Dawladda Turkigu waxay sidoo kale deeq waxbarasho bilaash ah u fidisay 14 arday oo ay u qaybisay jaamacadaha Golis iyo Hargeysa.



Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Dr. Cabdi H. Gass oo ka hadlay munaasibaddaas, ayaa uga mahad naqay dawladda Turkiga deeqaha waxbarashada iyo qalabka ah ee ay u fidisay jaamacadaha Hargeysa iyo Golis., isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca jaamacadda Hargaysa, kan ardayda, macalimiinta iyo shaqalaha Jaamacadda waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa dawlada walaalaha aanu nahay ee Turkiga deeqda ay na soo gaadhsiisay ee isugu jirta Computerada, printerada iyo deeqaha waxbarashaba”.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa wuxuu intaasi ku daray “Deeqahani waxay kor u qaadin doonaan adeegyada waxbarasho ee aanu u hayno ardaydayada iyo bulshada Somaliland ba, mar labaad waxaan mahad u naqayaa dawlada Turkiga iyo dalada Jaamacadaha kulmisa ee SOMALIREN”.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Gollis Dr. Saciid Cabdi Xassan “Anigoo ku hadlaya magaca bahda Jaamacadda Gollis waxaan si weyn ugu faraxsanahay deeqdan balaadhan ee aanu ka helnay dalka Turkiga ee ah qalabkan ICT-ga ah ee deeqaha waxbarasho, dawlada Turkiga mahadnaq iyo amaan baan u gudbinaynaa, waxaanan rajaynayna in ay deeqahani sii socon doonaan.”

Dr Saciid Gudoomiyaha Jaamacada Gollis wuxuu intaasi ku daray “Waa hubaal deeqdan aanu ka helnay dawlada Turkigu in ay kor u qaadi doonto adeegyada waxbarasho ee aanu bulshada u hayno”.

Munaasabadaasi lagula kala wareegayay deeqahaasi waxaa isna ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gudida Tacliinta sare ee qaranka Professor Hussein Hassan Guleid.

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone