Ardaydii Siilaanyo Xamar u diray ee Reer Somaliland oo Madaxfurasho loo haysto

Muqdisho- (saraarnews.com)- Toddoba Arday oo kamid ah 17 Arday oo qayb ka ahaa ku dhawaad 50 Arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho u joogay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa ku xaniban halkaasi, iyadoo Madax furasho loogu haysto Kharash ku dhaw Labaatan kun oo Dollar ($20,000) oo uu sheegtay Hudheelkii ay Muqdisho ka degenaayeen.

Ardaydan oo ahayd dufcadii labaad ee ka tagtay Somaliland oo bishii October ee Kal hore ku guulaystay Imtixaan Tukrigu ka qaaday si loo siiyo deeq waxbarasho oo dawladda dalkaasi u qoondaysay guud ahaan ardayda Soomaalida ayaa magaalada Muqdisho ku xaniban muddo sagaal Bilood ah, Sida ay baahisay dhinaca internetka laga dhegeysto ee Radio Hirad, waxanay ardaydu werwer ka muujiyeen in muddada intaa le’eg ay ku qaadato in ay sugaan deeqda waxbarasho ee la sheegay in Turkiga loogu qaadayo, taasoo aakhirkii dhicisowday kadib markii lagu wargeliyay in ay internetka ku codsadaan mar kale waxbarashadaas si ciddii ku guulaysata loo qaado.

 

Ardaydan oo koox-koox ugu soo noqdaySomalilandayaa 17-kii arday ee ugu dambeeyay loo diiday inay ka baxaan Hotel-kii ay Muqdisho ka degenaayeen, iyadoo loo qabsaday Kharashka lagu yeeshay muddo lix bilood ah oo ay Hotelkaasi ku jiraan oo Jiif iyo cuntaba isugu jiray.

 

Lacagta ardaydan loo qabsaday oo gaadhaysa in ka badan Toddoba iyo Toban kun oo Dollar ($17000) ayaa xaqlaha hudheelku sheegay in dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya uu ku dallacay maadaama oo markii hore ay iyadu ardayda soo dejisay Hotelka. Qaar kamid ah ardayda kasoo noqotay Muqdisho oo haatan Hargeysa Jooga ka warramay arrintan, “Markii hore ee aanu tagnay dawladda ayaa na qaabishay oo tidhi jiifkiina iyo cuntadiinaba annaga ayaa qabna ee hudheelkaa degga, bilihii hore kharashka waa ay naga bixisay laakii intii dambe wax lacag ah nagamay bixin”. Sidaa ayuu yidhi Xamse Carab oo ka mid ahaa Ardayda madax furashada loo qabsaday balse aakhirkii damiin ahaan kaga soo baqoolay Muqdisho, waa kan mar kale isaga oo faahfaahinaya sida xaalku noqday “markii aanu damacnay inaanu soo baxno Ninkii Hudheelku wuxuu yidhi iga bixi maysaan illaa lacagtaydii aad I siisaan, taas bedelkeeda Shahaadooyinkii ayuu naga ururiyey, qaarkoodna waxa lagu soo daayay Damiin, qaarna way ku hadheen”.

Axmed Ibraahin Cismaan oo isaguna kamid ah ardayda toddobada ah ee ku hadhay Hotel-ka Muqdisho ku yaalla ayaa dhiniciisa sheegay in wasaaradda waxbarashada ee dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya ay ahayd cidda ballan qaadyada ugu badan siisay nolosha ardaydaasi.

 

Hase yeeshee Wasiirka Waxbarashada ee TFG Axmed Caydiid Ibraahin la weydiiyay sababta ay u fulin waayeen ballanqaadyada ardaydaasi ayaa ku tiiqtiiqsaday masuuliyadda ka saran, isaga oo ku dooday in duruufaha jira ku khasbayaan ardayda inay xanibnaadaan ilaa wax loo helayo “xataa haddii ay annaga nala joogaan waxay ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta oo duruufta lagu jiro ayuun bay marayaan, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Be Sociable, Share!