Hadhaagii Khaatumo Seeg oo Puntland isu dhiibay

garoowe(saraarnews)Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta 22 August,2012 waxa soo gaarey ciidamo ka soo goostey Maleeshiyo beleedka Khaatumo la baxdey waxana tiradoodu gaareysey ilaa 30 askari oo watey gadiidka dagaalka.

Kantaroolka Koonfureed ayaa saxaafada waxa kula hadlay Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo sheegey in ciidamadan ku soo biireen kuwa Puntland oo markii horeba ka tirsanaayeen.

Cabdi Qowdhan waxa uu cadeeyey in ciidamadan been loo sheegey oo la marin habaayiyey balse markii danbe ay garowsadeen in guryahoodi ku soo laabtan iyo ciidamadii ay horey uga tirsanaayeen.

Ciidamada Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Taliyaha Ciidamada Danbi baaritsa Puntland (CID) Cabdifataax Cameey ayaa kulan wareedkan goob joog ka ahaa.

Taliyaha ciidanka maanta Garowe soo gaarey Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Afgaab ayaa hadalo kooban isna siiyey Saxaafada oo dhinaciisa muujiyey in ay ku hungoobeen maamulo looga dhawaaqey gobolka Sool islamarkaasina ogaadey in aysan dan u wadin shacabka gobolkaasi.

2010 inuu ka tirsanaa ciidamada Puntland ayuu Afgaab tibaaxey balse uu dan moodey markii hore kooxdii SSC ee looga dhawaaqey halkaasi iyo Khaatumo oo ka danbeysey markii  danbena uu ogaadey in siyaasiyiin dibad joog ahi qorshayaal kale wataana uu dib ugu soo laabtey ciidamadii Puntland uu ka tirsanaa.

Sidoo kale madasha lagu soo bandhigey ciidamadan iyo gawaaridii ay wateen ayaa waxa tix gabay ah ka jeediyey Abwaan Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ku ku baraarujiyey ciidamada guud ahaan adkeynta midnimada reer Puntland.

Halkan ka dhageyso codka Wasiirka ,Taliye Afgaab iyo Abwaan Jibrii

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

l

source: garoweonline

Be Sociable, Share!

2 Responses to Hadhaagii Khaatumo Seeg oo Puntland isu dhiibay

  1. M.H.Buraleh August 23, 2012 at 10:45 am

    Maxaa Iidoor ka khuseeya Harti isu galay,Hadhaagii SNM saw kuwa Muqdisho ka degey beenta Ictiraaf saw tan soo daba go’day.

  2. M.H.Buraleh August 24, 2012 at 3:54 am

    Iidoor maxaa idiinka ki dhiish ah Harti isu galay,iska riyooda Daarood baa jiho kasta idinka xiga,waxaa la idiin yaaba marka
    dulqaadku ka dhamaado.

Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12