Saxaafada Somaliyeed Qaarkood oo Bilaabay Inay Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil Company Ka Faafiyaan Probaganado Qallinkii Jaamac Cabdullahi

Waxa Beryahan Si is daba Jooga Ka soo baxaya Saxaafada Somaliyeed Qaarkood inay Probaganada iyo Hadalo Been abuur oo iskugu Jira Cay, iyo Hanjabaado ay uu Fidiyaan Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil Company oo Ka Mid ah Shirkadaha Somaliyeed ee Ugu Magaca weyn Geyiga Somaliyeed.
Saxaafada Somaliyeed oo Marka Hore Badankoodi ah Qaar iska Liita ah Inyar Mooyane aya Kuwa Ugu Liita ee Ku dhisan Qabyaalada Iyo Magac Baabiiska Ummada Islaamka iyo Ummmada Somaliyeed aya waxey Bilaaben Campaign Cusub oo Isko Kaashanayaan Si ay Magaca Uga Dilaan Shirkadaha Wadaniga ah ee Somaliyeed oo Hadda ay Ka Mid Tahay Shirkada Caalamiga Dahabshiil Company.

Maxa Loo Target Gareynaya Shirkada Dahabshiil Company?

Waxa Loo Targetgareynaya Waa Shirkada Ugu weyn Geyiga Somaliyeed Noqotayna Shirkada Ugu Dhaqaalaha Badan Geeska Africa, Sidaas Daradeed Saxaafadan Cadeysatay Qabyaalada iyo Probaganada Laga Fidinayo Ummada Somaliyeed iyo Shirkadaha Ganacsiga aya Bilowday Campaign cusub oo ay Ku Baadhanyaan Shirkada Dahabshiil Iyago Ka Doonaya inay Lacag Baad ah oo Xaaran ah Inay Gacanta uu Geliso si ay uga Aaamusan ama aanay wax Dambe uga Qorin!

Saxaafadan ay Ka mid Yahiin Websiteyo Dhowr ahi, oo aanan Hadda Magaacabayn Laakin Ummada Somaliyeed iska wada Garaneyso Cida yahiin, aya Waxey Bilaaben Bishi Hore Campain ay Doonayeen inay Ku Fadeexadiyaan Informationka Macaamiisha Shirkada Dahabshiil uu Taalay, iyago Ka dhigay Hacking Lagu Sameeyay ama Data Baseki Shirkada Dahabshiil oo La Jabsaday oo ay la Wareegen Ummada Kale Isko Sheegtay Inay Hacker Yahiin,  Laakin Marki Dambe ay Cadaatay Inay waxaas oo dhani Been abuur ahayd, oo aan waxba Lagu sameyn Computarada Shirkada iyo Banka Dahabshiil Leeyahay, Shaqo Maalmeedkeedina Halki ka sii Socday.

Xaqiiqda Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil:

Shirkada Wadaniga ee Dahabshiil, waa shirkad Aduunka Shantiisa Dacal ka dhisan, oo waa shirkad La Mid ah hadda Bangiyada Caalamiga ah ee aduunka,  Shirkada Dahabshiil waxey Ka dhisantahay Magaalo Kasta Degmo Kasta iyo Tuulo Kasta  Somalia/Somaliland, Shirkada dahabshiil Marnaba laguma Tilmaamo Kari Shirkad Qabyaaladeed, iyado Shirkada Dahabshiil  Shaqaalaheedo Ka Koobanyahiin  Cid Kasta oo Somaliyeed iyo Ila Ajanabi.

Shirkada Wadaniga Dahabshii waxey si Mug Leh Uga Qaybqaadata Arrimaha Gargaarka Biniaadinimo ee Ka dhaca Geyiga Somaliyeed Meel Kasta, waxey Noqotay Shirkadi Ugu Dhaqaalaha Badnayd Ku Sadaqeysatay Abaarti Xumeyd ee Ka dhacday Koonfurta Dalka Somalia, Iyado Ugu Deeqday Lacag Gaadheysa 100.000 Us dollars, iyo Gargaar kale oo Badan.

Shirkada Wadaniga Dahabshiil waa Shirkada Keliya si Wadanimo Mashruuc Kasta oo Xagga Caafimaadka Guud ahaan Geyiga Somaliyeed Ka Qayb qaadata, Iyado Ka Qaybqaadatay In Ka Badan Dhismayaal Badan Xagga Caafimaadka Sida Cusbitaalo Nooc Kasta, Qaar ay Shirkada Dahabshiil Dhistay Iyo Qaar ay Dib uu Hgaajin Ku Sameysay, waxaana soo weheliya Gadiidka Ambulance aya Ugu Deeqday Magaalooyin Badan iyo Cusbitaalo Badan oo Ku Yaala Somalia/ Somaliland.

Shirkada Wadaniga Dahabshiil Waxey si Mug Leh uga Qaybqaadata Horumarka Jiilka soo Koraya iyo Xagga Waxbarashada, Iyado Shirkada Dahabshiil Dhistay In Ka Badan Boqolaal school, Jaamacado iyo College, iyo Dib uu Hagaajin Badan oo Ka Tageertay Xaruumo Waxbarasho, iyado Waxaas oo dhan ay Ku Bixiso Lacagteedi ay shaqeysatay oo si Islaamnimo Sadaqo ugu Bixiso!

Shirkada Dahabshiil Iyana Xagga Sportiska Iyado Mar kasta Ka Tageerta Dhalinyarada Ku kala sugan aduunka Dacaladiisa, iyado Ciyaaro Badan oo Xiiso Leh uu Qabato Ciyaaraha iyado aad ugu dhiiri gelisa Dhalinyarada inay Isdhex galaan oo Xagga Sportiska Ka Qaybqaatan.

Shirkada Wadaniga Dahabshiil aya Mashruuc Kasta oo Lagu Horumarinayo degaan, sida Wadooyinka, Biyo Gelin, Qaybteeda Ka Caawisa iyado Meel kasta oo Wax laga soo weydiisto Ka Caawisa, iyado si Sadaqo ah wax uu siiso.


Iyado aan La Dhameyn Karayn Sadaqada Shirkada Dahabshiil ay siiso Dadkeeda Somaliyeed,   aya waxa aan Leenahay Saxaafada Shuftada ah ee Hawada Isbaarada Dhigtay ee Doonaya Inay Magaca Ka dilaan Shirkada wadaniga ah ee Dahabshiil company Waa in Meel Looga soo wada Jeesta.

Waxaan Kale leenahay Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil Company Halkaas Shaqadiina Ka Wada, Halkiina Waxqabadka Ka Wada aad uu Haysaan Ummada Somaliyeed, waayo waxaad tahiin Shirkad Xalaala oo Ummada Islaamka iyo Ummada Somaliyeed AAMINTAY.

Waad Mahadsantahin
Jaamac C/Laahi Biime
London
Be Sociable, Share!