Afartii Qof Ee Afduubka Loo Haystay Oo Rasmi Ahaan Xoriyadoodii U Helay Maanta

Buuhoodle (saraarnews) –Madax-dhaqameedka Maleeshiyaadkii  Reer Buuhoodle ee dhawaan afarta qof ka afduubay deegaanka Sool-joogto ayaa maanta afartii la hayste rasmi ahaan ugu wareejiyey Suldaanka Labaad ee Beelaha habarjeclo iyo Madax-dhaqameedka Beesha Axmed Faarax ee bariga Magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Kulan maanta ka dhacay duleedka Magaaladda Buuhoodle ayaa lagula kala wareegay afartan qof ee ay afduubeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, kuwaasi oo muddo dhowr todobaad ah lagu haystay gudaha magaaladda Buuhoodle.

Afartan qof oo doraad Maleeshiyaadkii haystay ku wareejiyeen Madax-dhaqameedkooda, ayaa maanta si rasmi ah u helay xoriyadooda ka dib markii gacanta laga soo galiyey Madax-dhaqameed iyo odayaal ka socday dhanka barkga Burco, kuwaasi oo si toos ah ula soo baqoolay dhinaca Magaaladda Burco.

Ka hor wareejinta afartan qof, shir muddo saacado ah socday oo dhex maray Madax-dhaqameedka bariga Burco iyo Buuhoodle, ayaa Madax-dhaqameedka Buuhoodle ku sheegeen in Maleesjiyaadka afduubtay raggani ay doonayeen in loo soo daayo ninka lagu magacaabo Jaamac Kuutiye oo falal argagixiso ugu xidhan jeelka dhexe ee Magaaladda Hargeysa, balse ay iyagu dedaal u galeen soodaynta afarta qof, Maleeshiyaadkana ugu sheegeen inay dariiq kale u maraan ninka ay doonayaan in loo soo daayo.

Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12