Try the bell: The president of Somalia waits outside a closed no.10 yesterday. (Fadeexad)

try2

 

Try the bell: The president of Somalia waits outside a closed no.10 yesterday. After a few seconds, Hassan Sheikh mohamud was greeted by David Cameron to discuss a package for £3 million in British aid for this country.

Qoraaladaasi waxaa ciwaan looga dhigay Joornaalada Ingriiska ee wax ka qaray maanta Booqashadii Madaxweynaha Somaliya  shaly ku tagay Xafiiska Raisul Wasaaraha Ingriiska David Cameron.

Joornaalka Metro News iyo kuwa kaloo badan ayaa Ciwaan looga dhigay qoraaladaasi kor ku xusan,Try the Bell’ kadib Markii ay la yaabeen Bartakool xumada haysata Madaxweynaha Somaliya oo mudda hortaagnaa Xafiska Rasiul Wasaaraha Ingriiska NO:10 iyadoo Albaabka uu xirnaa.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Culusow ayaa iska soo lugeeyay keligiis intuu gaarigi kaga soo degay meel ka durugsan Xafiiska Raisul Wasaaraha Ingriiska, iyadoo daqiiqado kadib uu Albaabka ka furay David Cameron.

Sida caadiga ah Madaxda la qaabilayo ayaa laga horgeeyaa dad qaabilo oo usoo gelbiyo dhanka Xafiiska , Laakiin tani waxay tusaalo cad u tahay Bartakool xumada iyo qibrad la aanta haysata Madaxweynaha Somaliya iyo kooxaha qaabka qabiil ku hoos ordaya ee la taliyaasha u ah ama u qaabilsan dhanka Bartakoolka.try1

Waa fadeexad tii ugu xumeyd abid Madaxweyne dhan oo Albaabka laga furi waayay, iyadoon waqtigii la balamiyay la gaarin ayay iska soo garaaceen Albaabka yaab, Sida ka muuqata Sawirka Madaxweynaha Somaliya oo keligiis iska lugeeynaya , sida isagoo u socda Xaafad.

Ma jirto wax dad ah oo hareerahiisa socda. Hadaba Waxaa la yaabtay Saxaafada Caalanka fadeexda intaasi la eg, iyadoo aad indhahiina ku arki kartaan , qaanuun la aanta meesha ka muuqata.

Fedeexadaasi waxaa usii dheereed in la siiyay lacag dhan 3 milyan oo dollarka Mareykanka ah,isagoo dowlad dhan matalayo , Waa ififaalo kaloo muujineysa sida dowladaha deeq bixiyaasha iyo Caalamkuba uga niyad jabeen hab dhaqanka Madaxweyne Culusow.

Waxaa kaloo fadeexad iyo waji gabax ugu filneyd Markii Banaanbaxyaashi cadaalad doonka  ay uga dhaarteen in uu cagta geliyo xarunta Chatham House oo uu uga qeyb galay shirka, kadibna lagu qasbay in albaabka gadaal ee fire exit door-ka laga soo geliyo.

Sidoo kale kulankiisi ma uusan aheyn mid uu mahadiyay kadib markii lagu harqiyay Su’aalo uusan ka jawaabi karin oo ku dhaliyay xanaaq xad dhaafa oo sababay inuu 10 jeer marna siibo marna gashado ookiyaalaha, Marna madaxa xoqda , Marna sacabiyo carada ka muuqatay darteed.

Su’aalaha ugu darnaa ee uu sida weyn uga carooday waxay aheyd kadib Markii Aqoonyahan ka soo jeeda Jubboyinka uu weydiiyay dhowr Su’aalood oo ay ka mid aheyd Sababta reer baladweyne maamulka ugu ogolaaday Jubboyinkana uu u yiri dowlada u sameyneysa.

Madaxweynaha ayaa marna si waafi ah oo la fahmi karo uga jawaabin dhamaan su’aalahii la weydiiyay, Xilligii lagu guda jiray Su’aalaha ayaa waxaa dhacday in Madaxweynaha sidaad wada daawaneysenba uu sheeka dheer la galay nin ay is garani jireen oo su’aal weydiiyay.

Ninki ayuu ku mashquulay oo uu sheeko dheer la galay, isagoo u sheegayay in xilli hore isugu dambeysay isla Markaasina uu wali u muuqdo nin da’yar halka isaguna uu isku sifeeyay inuu duqoobay. Waxaay kamid aheyd qaladaadka la yaabka ley uu uu gelayay Madaxweyne Culusow, inuu mowduucii ka baxo oo usheekeeyo sida ciyaal xaafa, isagoo uu ku socda waqti.

Isku soo duuboo umada Somaliyed ayaa aad ula yaaban dadka Madaxweynaha Somaliya iyo kuwa la taliyaasha u ah ee sumacad xumada dal iyo dibadba ka haysata u soo jiiday.

 

Be Sociable, Share!

2 Responses to Try the bell: The president of Somalia waits outside a closed no.10 yesterday. (Fadeexad)

  1. ali February 15, 2013 at 9:50 am

    ASC WAXAN AAD U XIISEEYAA WEB KAN WAAYO QURAANKA AWGEED DADKA SOO QORAY QORAALKA MADAXWEYNE HASAN SHEIKH WAA QARAARAAYAN WAAYO HADA SOMALILAND WAXEY HOOS TIMAAD KOONFURTA SOMALIA AQOONSI MEEL WALBO AYAY KA RAADIYEEN WAANA WEYDEEN WAANA KA XUMAHAY . WAXAN HADALKEYGA KU SOO KOOBAA QOLO WALBA MEESHII QEYR UGU JIRO ALAHA WAAFAJIYO

  2. dulmi diid February 25, 2013 at 6:15 pm

    aqyaarta sharafta leh wan idiin wada salaamay salaan ka dib waxaan so dhaweyna webkan lakin waxaan idin dhihi lahay cidii qoraalka madaxeynaha so qortay mahan mid sal iyo raad toona leh lakin isku day fiican aad sameysay lakn try hader next time

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone