Hargeysa(saraarnews) Madaxweynaha cusub ee somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Golaha xukuumadiisa oo ka kooban 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen oo u badan niman aqoonyahano ah oo badankooda aan wax xil ah xukuumadihii hore ka soo qabanin walow ay ku jiraan wasiiro hore xilal u soo qabtay sida Dr Gaboose iyo Eng Maxamed Xaashi.
Golahan xukuumada cusub ayaa rag badan oo la saadaalinayey iska waayeen, dhinaca miisaanka beelahana waxaa ku hungoobay salaadiin xurmo leh oo balan iyo qawl intaba haystay cida ay doonayeen in xukuumada lagu soo daro, waxa laga tegay oo meesha laga saaray beelihii dadka u sheegan jiray laandheerayaasha oo la is lahaa maadaama ay iyagu codkooda bixiyeen ayna yihiin kuwii codadkooda la tirsaday ee madaxweyne siilaanyo ku soo baxay xukuumada iskama waayi doonaan, riyadoodaasi oo beenowday markii lagu dhawaaqay xukuumada cusub. ka dibna waxaa bilowday saluug laga tirsanayo xukuumada cusub oo u baahan in lagu maareeyo si xeel iyo caqliyadi ku jirto.
Tusaale ahaan dadka qaar ayaa tilmaamaya inay fiicnayd in madaxweynuhu xubnaha beeshiisa (HJ) si kale u eego oo aanu magacaabin sida wasiirka ay isku baho ugaaso yihiin, taas bedelkoodiina uu u magacaabo booskaa qof ka tirsan beelaha codkii ugu badnaa siiyey ee Faarax Cabdile ( Ahmed Faarax iyo Daahir Faarax) ama Cumar iyo reer yoonis (biciide waa bare adaraxmaan wasiir Maxamuud xaashi) oo aan iyagu waxba ku lahayn xukuumada cusub, Inkasta oo muwaadinkaasi xaq dastuuriya u leeyahay inuu qabto xilkii kasta ee loo garto hadana waxay noqon kartaa in Madaxweynuhu eegay dhaqaalihii shirkada dahabshiil ku taageertay markuu musharaxa ahaa oo ay mulkiilaheeda isku qoys yihiin wasiirka duulista iyo hawada ee cusub Dr xuseen Cabdi Ducaale.
Dad kale ayaa qaba in xukuumadu dhinac ka raran tahay oo faa'iidada ugu badan ee xukuumada ay heleen beelo gaar ihi oo si gaar ah loo naas nuujiyey iyadoo aanay jirin baahi keentay oo beelaha kaleba laga helayo intii loo baahdo oo aqoonyahanada loo baahan yahay inay xilalka buuxiyaan, tusaale ahaan Subulaha ilaa Saaxil(Habar awal) oo ah ta faa'iidada ugu badan ee Xukuumadan helaysa oo qaadatay wasiiradii ugu badnaa iyo gudoomiyihii xisbiga KULMIYE oo welibana sii quudaraynaysa, Madaxda hadhay ee laamaha dawlada ee Madaxa banaan iyo agaasimayaasha wasaaradaha. Taas oo ay u dheeraday inay ahaayeen cida ugu badan ee dhaqaalaha ahaan ka faa'iiday fadhiga xukuumada ee Hargeysa oo ay u badnaayeen meheradahooda ganacsiga dhaqaale , sida gaadiidka la kirayso, hudheelada la seexdo iyo guryaha hay'adaha dawliga ahi kaga jiraan taasoo u sahashay inay saamayn ku yeeshaan xukuumad kasta oo la dhisayo.
Dhinaca Gobolada faalooyinka laga bixiyey hadaad ka eegto waxaa kuu soo baxaysa in Togdheer dulman yahay oo uu helay 1 wasiir oo ah gobolka Madaxweynuhu ka soo jeeda hadii laga tegi waayona 2 xubnood ay noqonayaan , marka loo eego gobolka Maroodi jeex oo ku yeelanaya 9 wasiir ama Sanaag oo yeelanaya 4 wasiir iyo Sool oo yeelanaya 3 wasiir iyo awdal oo yeelanaya 4 wasiir, halka Gobolka Saaxil oo ay ka codaysay wax ka yar 25.000 oo qof ay heshay 3 wasiir.
Gobolka Awdal ayaan isaga waxba iska dhimin oo markii Riyaale Madaxweynenimada haystay tiradii wasiirada uu haystay haysta waxaana wasiiro u ah 4 wasiir oo kala ah:
1- wasaarada beeraha Prof. Faarax cilmi mahamoud (Muusefiin -Samaroon)
2-wasaarada cadaalada iyo garsoorka Prof. Ismaciil muumin Aare (Samaroon- Reer Maxamuud Nuur)
3- Cali xaamud Jibriil ( reer Ahmed)
4-wasaarada ciyaaraha, dhaliyarada iyo dhaqanka Maxamed xaashi madar (ciise)
Dad kale ayaa qaba in madaxweynuhu ku asqoobay culayska magacaabista wasiiradda oo ay noqotay xag walba seeg magacaabistanina ahayd allow igu furo , halka qaar kalena qabaan inay ahayd badheedhe iyo quus goyn uu ugu talo galay inuu sidan sameeyo oo uu ilaaway dad badan oo maalintii xumayd naftooda duldhigay, uuna qaatay fikrada ah siyaasadu saaxiib joogto ah ma leh, imikana aanu xiise u qabin inuu dib isu soo sharaxo oo uu ilaaway rag maalmo ay xumayd la dabaashay.
Qaar kale ayaa qaba inay tahay aarsi sidan u dhigan oo xarfadeeda siyaasadeed soo bixi doonta xili aan dheerayn Madaxweynuhuna hangool faraara leh iska qabtay reerihii sheegan jiray laandheerayaasha oo uu soo urursaday Qabiil walba jilibka ugu yar xubin ka tirsan. waxayna u cuskanayaan sababta golaha wasiirada looga reebay qabiiladan Reer Samatar, Reer Caynaanshe, Reer Daahir, Reer hagar, Deerayahan, Axmed Faarax, Cumar iyo Dubays(warsangeli)
Dad badan sida muuqata qaba in madaxweyne siilaanyo Magacaabay dad badan oo ay wataan nimankii dhaqaalaha ololoha doorashada ku taageeray markii lagu jiray oo qaarkood aanay 500 oo cod soo heli karaynin oo uu dhaafsaday rag beelahoodu Madaxweyne Siilaanyo siiyeen codad gaadhaya tobanaan kun, tusaale waxaa loo soo qaatay xubnaha Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo u batay shaqaalihii xawaaladaha Dahabshiil, Amal iyo Mustaqbal oo ay wehiyaan qaar saami ku leh shirkada Telecom oo danaynaya inayn wasiirada shaqadoodu ku xidhmi kartaa noqdaan cid ay raali ka yihiin.
Dadka qaar ayaa qaba inaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa toona loo fiirsan ee doorkan midho daray duuduub lagu liqo, welibana loo kaadiyo inta ay salka dhiganayso maadaama oo ay imikuun talada la wareegtay
Talaabo loo bogay ayay ahayd in madaxweynuhu ka reebay Hogaankii xisbiga KULMIYE oo uu doorbiday inay xisbiga ku hadhaan si aan xukuumada iyo xisbigeedu isugu milmin. waxa kale oo dadka qaar u arkaan in madaxweynuhu u arkay in uu xusho xubno wasiiro ah oo ay wada shaqayn karaan sidaa aawadeed uu uga maarmay si aanu ugu habsaamin jaafaajiriq hore xisbiga KULMIYE uga jiray.
Talaabo kale oo wanaagsan ayay ahayd marki madaxweynuhu magacaabay xubno qurbojoog ah iyo aqoonyahano sare oo la bidayo inay ku hogaamiyaan aqoontii ay barteen intii raga kale halganka ku jiray.
waxa dadku aad u amaanayeen xubnaha ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta ee cusub Cabdilaahi Geeljire oo isagoon wasaaradba tegin umada ka haqab tiray wax badan oo ay tebijireen, waxa isagana wax ka soo qaad leh wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif axmed oo tifatiraha qoraalkani aqoon hore u lahaa maadaama oo ay dugsiga sare isku mar ka baxeen (class mate) ayna isu ahaayeen Gudoomiye iyo ku xigeenka Gudiga ardayda sanadkii 1984 intii aanay imtixaanka jaamacada lagu gelayo u fadhiisan. Ilhaan maxamed Jaamac inkasta oo wasaarad cidla ah loo dhiibay oo laga hoos saaray wax kasta hadana waa gabadh ka soo dhalaali karta xilka loo magacaabay, Samsam Cabdi Aadan ayaa ahayd dumarkii wax ka aasaasay hay'adii yarayd ee haweenka daynta siin jirtay CCS iyadoo maamulkeeda aad looga mahad sheegtay, Inkasta oo aanay shakhsiyaadka wasiirada laga dhigay kala dhicin oo mid kastaa leeyahay wanaagiisa lagu xushay ayaan hadana la waayaynin tabashooyin bulshada ka yimaada
Hadaba Magacaabista Golaha wasiirada oo marka dhinacyo doora laga eego ay ka soo baxayaan aragtiyo soo kala horjeedaa laakiin arin la isku raacsan yahay ay tahay inay ku jiraan aqoonyahan badan oo isbedelka loo baahan yahay samayn karaa , hadana waxaa kuu soo baxaysa saluug weyn oo durba ka soo baxaya meelo dhowr ah.
Isku soo wada xooriyoo dhismaha xukuumada ayaad moodaa inuu aad ugu dhowyahay ra'yiga muwaadin fikradiisa shabakadan ku baahiyey oo magaciisa ku soo gaabiyey Abdiyare inkasta oo aan la wada qaadanin qoraalkiisii hadana waxaad moodaa inay isu dhowyihiin muwaadinkaas oo qoraalkiisu ahaa sidan:
" Golaha wasiirada Dawlada waxaan ka dhigi lahaa 16 wasaaradood Waxaan ku soo dari lahaa 2 dumar ah. Wasaaradaha isqaadadan kara waan isu saari lahaa sidan.
1 arimaha gudaha Dr Mohamed Abdi Gaboose(HY)
2 arimaha debeda Dr mohamed Abdilahi Omar(HA)
3 gaashaandhiga Ahmed Cabdi Xaabsade(laascaanood)
4 maaliyada Maxamed Xuseen Aden(Ex-mayor Burco)
5 cadaalada iyo awqaafta(maadaama garsoorku madaxbanaan yahay Sheekh Mustafe Ismail(HY)
6 ganacsiga Eng.Maxamed Xaashi (HA)
7 beeraha iyo kaluumaysiga, Dr Mohamed Siciid Gees (laasqoray)
8 Xoolaha iyo degaanka Dr saleebaan Essa Ahmed (SSC Buuhoodle)
9 Macdanta iyo biyaha prof Ismael Mumin Aar (borama)
10, hawlaha guud gaadiidka iyo isgaadhsiinta Eng. Faysal Ali waraabe
11 waxbarashada iyo caafimaadka Drs Adna Aden (baliubadle)
12, warfaafinta iyo Hidaha iyo dalxiiska Dr Mohamed Rashiid (Borama)
13 ciyaaraha dhalinyarada iyo Arimaha qoyska (reer Saylac)
14 warshadaha Madaarada iyo dekedaha Eng. Naasir Haji Ali shire(HA)
15 wasaarada Madaxtooyada iyo golayaasha Siciid Yuusuf Cartan (HJ)
16 wasaarada qorshaynta qaranka Heblaayo Hebel )Gabooye)
Golaha wasiirada Dawlada kumaan soo dareen, Sarkaalada Milateri ee xisbiga KUlMIY Ee ku jira, sida muuse biixi, maxamed Kaahin, dhega wayne,Dareewal IWM.
Afhayeenka Madaxtooyada waxaan ka dhigi lahaa Dr Abdi Awdaahir
Hayadaha madaxa banaan
Shaqaalaha qaranka waxaan u dhiibi lahaa Axmed Xaaji Ali Cadami
Madbacada iyo TV-ga Mubarak qoorubaxay
Badhasaabka gobolka Togdheer Mohamed Kaahin Ahmed
Badhasaabka Gobolka Hargeysa Muuse Biixi Cabdi
Badasaabka Gobolka Saaxil Ibraahim Dhegaweyne
Badhasaabka Gobolka Sanaag Ahmed Mire Maxamed
badashaabka Gobolka Sool Fuaad Aden Cade
Badashasaabka Gobolka Awdal Abdiraxmaan Aw cali Faarax
Safiirka wadanka Djibouti Dr ahmed Xuseen Ciise
Safiirka Itoobiya
safiirka UK
safiirka .. safiirka….
Arinta Xisbiga Kulmiye waxaan ku wareejin lahaa Dr Bulxan inta la qabto shirweyne balaadhan waxaa ku xigeeno u noqon lahaa Niman aan xilal ka hayn Dawlada waxaan meesha ka saari lahaa, saylici, talyanle, siilaanyo.
wixii dhiman waan soo dhamays tirayaa"
Guntii iyo gebagebadii waxaa ina la gudboon in la taageero oo la is daba taago Madaxweyne Silaanyo oo ah nin daacad ah haduu helo cid lilaahi ah oo magac doonaysa laakiin aan manfac doonaynin kana dabaalan kara culayska balaadhan ee sugaya
hadaba ku qor halkan hoose aragtidaada arintaas la xidhiidha
Popularity: 10% [?]




